18 January, 2014

Siilaanyo Oo Badhasaabo Cusub U Magacaabay Gobolada Togdheer Iyo Selel


Siilaanyo Oo Badhasaabo Cusub U Magacaabay Gobolada Togdheer Iyo Selel



Hargysa,-Axmed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu yahay JSL/M/XERM/249-2249/012014, ku magacaabay, sida lagu sheegay qoraal xafiiskiisa ka soo baxay Gudoomiyeyaasha Gobolada Togdheer, Selel iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel, sidoo kalena waxa uu xilalkii ka qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Selel iyo ku xigeenkiisii.

Qoraalka xililka lagu magacaabay ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynha waxa uu u dhignaa sidan

Markaan arkay Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan tixgaliyay:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin

Qaranka;

Markaan aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagadan;

Markaan arkay: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markaan Arkay: in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Waxaann GO’AANSADAY

1. In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Cabdi-risaaq Waaberi Rooble, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

XIL-KA QAADIS

Mudaneyaal ,Waxaan idinka mahadinayaa mudadii aad soo haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Selel. Xilalka Qaranka ayay dabcigooda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaas darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilka Guddoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland (Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Selel) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Selel (Mudane, Cali Allaale Riyaale Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Selel).

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalka aad hayseen Mudane, Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay iyo Mudane, Cabdil-qaadir Aadan Yuusuf oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: