16 January, 2014

Maareeyaha Guud Ee TV-ga Qaranka Oo iska Difaacay Eedaymo UCID u Jeedisay

Maareeyaha Guud Ee TV-ga Qaranka Oo iska Difaacay Eedaymo UCID u Jeedisay

Hargeysa (Somaliland.Org) – Mareeyaha Guud Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa iska difaacay eedaymo uu u jeediyey murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo sheegay in telefishanka oo ay ku baxdo lacag aad u badan loo adeegsado burburinta xisbigiisa.

Mr. Gaas oo saxaafadda u warramay shalay, waxa uu beeniyey eedaymaha murrashaxa madaxweynaha ee UCID u jeediyey, isagoo xusay inay xilligan aad u dhimeen kharashka ku baxay Telefishanka Qaranka, waxaannu yidhi; “Maalin dhowayd warbaahinta waxaan ka maqlayey in Telefishanka Qaranka lagu bixiyo lagac dhan $3.5 milyan oo dollar, runtii waa been arrintaasi. Lacagtaasi kuma baxdo telefishanka, kharashka ku baxaana aad ayuu uga yar yahay. Waa laga yaabaa in berigii hore lacagtaas lagu bixin jiray telefishanka dawladda, laakiin annagu waxaannu jarnay lacag dhan ilaa hal milyan oo dollar, welibana telefishanku wuxuu ku tallaabsaday horumar badan oo la taaban karo, lacagta ku baxdayna waxay gaadhaysaa ilaa $2 milyan oo dollar.”

Waxa kaloo Maareeyuhu sheegay in Telefishanka Qaranku hawl ballaadhan oo muhiim ah u hayo Somaliland, isagoo xusay inay ku hawlan yihiin qorshayaal lagu horumarinayo barnaamijyada iyo qalabka telefishanka, “Intan dambe doodaha iyo barnaamijyada waa la duubi jiray, laakiin waxaannu hadda doonaynayaa in sannadkan dadka doodaha ka qaybgalaya la keeno istuudiyaha oo ay si toos ah (live) u baxaan, dadkuna telefoono kaga qaybqaataan, arrimahaas qaarkoodna way hirgaleen hadda.”

Waxa kaloo uu tilmaamay inuu telefishanka ugu tagay markii uu xilka la wareegay shaqaale aad u badan oo gaadhaya ilaa 300 qof, kuwaasoo uu xusay inay isugu jiraan shaqaale joogto ah iyo kuwo aan joogto ahayn, isagoo xusay in shaqaalaha telefishanka ee ka hawlgala dalalka Yurub iyo woqooyiga Ameerika aan la siin mushahar rasmi ah, balse ay qaataan gunno-hawleed yar.

“Waxa la yidhaa TV-ga Qaranka waxa ku baxa kharash badan. Waa runtaa kharash badan baa ku baxa, lamana dafiri karo, laakiin muddadii aan joogay waxaan isku dayey in wax laga dhimo kharashka badan oo telefishanka ku baxay, markaa waxaannu dhinnay ilaa 30% oo miisaaniyaddii 2013 waxaannu ka jarnay lacag ku dhow ilaa $800,000 (siddeed boqol oo kun oo dollar). Waxa taa barbar socotay oo aannu runtii horumar ku samaynay qaybaha kala duwan ee Telefishanka Qaranka,” ayuu yidhi Khadar Cali Gaas.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in lacago dheeraad oo kharash badan ah lagaga qaado magaca Telefishanka Qaranku ugu diiwaangashan yahay dalka dibaddiisa, isagoo sidoo kale xusay in xilligan si sax ah loo bixiyo kirada satalaytka oo markii hore qaab madmadaw ku jiro loo bixin jiray.

“Markaa is-faham-waagu yimaad waxa lagu kala baxaa sharciga, markaa arrintii dhacday si sharci ah ayey ku dhammaatay. Aniga iyo wasiirka waa kii madaxweynuhu noo wada yeedhay, markaa nin walba shaqadiisa ayuu u tilmaamay, imminkana wax dhib ahi ma jirto oo wasiirku waa wasiirkaygii oo Wasaaradda Warfaafinta ayuu madax ka yahay, waxana naga dhexeeya shaqo oo siyaasadda aannu ku shaqaynaynno ayuu qaabilsan yahay, markaa xilligan wax dhibaato ah ma jirto,” ayuu yidhi Maareeyaha TV-ga Qaranka Somaliland.

Somaliland.org/Hargeysa






http://samotalis.blogspot.com/

No comments: