09 December, 2013

Xildhibaan Ka Mida Ah Golaha Degaanka Hargeysa Oo Maxkamadi Ku Riday Xukun Dil Ah!.


Xildhibaan Ka Mida Ah Golaha Degaanka Hargeysa Oo Maxkamadi Ku Riday Xukun Dil Ah!.



Xildhibaan ka mida ah Golaha Degaanka Hargeysa oo Maxkamadi ku riday Xukun dil ah!.

Hargeisa-(Qaran-news)- Maxkamada Hargeysa ayaa xukun dil ah ku riday Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir kaas oo loo haystay dilka Nin ay saaxiibo iyo degaanba ahaayeen goor habeenimo ahayd.

Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa saaka la hor joojiyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa taasoo soo afjaratay dhagaysiga Dacwadiisa oo muddo soo socotay, waxaanay maanta Maxkamadu ku riday xukun dil ah iyadoo u cuskatay Xeerka Ciqaabta Guud iyo shareecadda Islaamka.

Isku soo wada duuboo Xildhibaan Mustafe Cismaan Daahir ayaa sidaa ku waayay xildhibaanimadii Golaha Degaanka Hargeysa maadaba xukun dil ahi ku dhacay!

Qarannews
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: