12 November, 2013

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Shaaciyey Tiradda Dadka Ay U Soo Qabqabteen Falkii Isku Dayga Dilka Ee Lagula Kacay Maxamed Kaahin

Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Oo Shaaciyey Tiradda Dadka Ay U Soo Qabqabteen Falkii Isku Dayga Dilka Ee Lagula Kacay Maxamed Kaahin, Kana Hadlay Arrimo Kale. “Falkii Isku-dayga dilka ahaa ee lagula kacay Maxamed Kaahin Axmed 3-qof ayaanu qabanay oo weliba baadi-goobkii socdo,waxaanan ku raad-joogna laba ka mida sadexdii qof ee weerarka geystay, waxaanay Ciidaanka boolisku ku jiraan hawlgal balaadhan oo culus”


 Hargeysa(HWN):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen 3-qof oo loo soo qabqabtey falkii isku-dayga dilka ahaa ee lagula kacay Maalintii Sabtidii ee todobaadkii hore ee aynu soo dhaafnay Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahi Axmed,isla markaana waxa uu ku dooday inay ku raad-joogaan laba ka mida sadexdii nin ee weerarkaasi geystay. Sidaa waxa uu ku sheegay Taliyaha Ciidaanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan mar uu caawa u waramayey Weriye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Jannaale) oo ka tirsan Hadhwanaagnews, Waxaanu Taliye Fadal ku tilmaamay falkaasi isku dayga dilku inuu yahay fal fool xun oo lagu dhaawacayo qaranimada Somaliland, isla markaana ciddii ka danbeysay dhacdadaasi inay gacan bira ku soo qabanayaan oo ay ciqaab lagu cibro-qaato ay marin doonaan. Mar la weydiiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan Inay Ciidaanka Booliska Somaliland maalmihii ugu danbeeyey inay heegan culus galiyeen Ciidaanka oo ammaanka aad loo adkeeyey markaa soo kordhay?

Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Guud ahaan amaanka guuud ee dalku aad ayuu u wanaagsan-yahay,hasayeeshe maalmihii u danbeeyey amaanka guud ee gobolada Somaliland ayaa aad u adkeynay oo aanu xoojinay, waana hawla-hayagii caadiga ahaa ee shaqada,taas oo waajibka na saarani-yahay inaanu markasta amaanka xoojino,waayo mandaqadani (Geeska) waa xasaasi, markaa wakhti kasta waanu feejiganay.Wax dheerada oo soo kordhayna ma jiro,waxaanan xoojinaynaa amaanka dalka oo ay Ciidaanka boolisku wadayaan oo aanay hadh iyo habeen ka daalayn. Sidoo kale, Mar la weydiiyey Taliye Fadal bishii ugu danbeysay waxay ka qabteen dhalinyarada ku dhaqan Caasimada Hargeysa ee koox-kooxeysiga isku dhisha oo kordhay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Wax-kasta oo bulshada reer Somaliland dhibaato ku ah,haday yihiin dhalinyarada koox kooxeysiga isku dila,haday yihiin tuug iyo haddii ay yihiin cadow kale oo qaranimada Somaliland iyo bulshada-ba dhibaateynaya Ciidanka boolisku heegan ayey u yihiin inay ka hortagaan oo ay gacan bira ku qabtaan.Dhalinyaradaa isku dila koox kooxeysiga Ciidaanka boolisku aad ayey uga hawlgaleen,intii ka danbeysay Xuskii loo sameeyey asaaska Ciidaanka booliska oo ku beegnayd 3 November oo sanadkasta loo dabaal-dego waxaanu qabanay in ka baddan 40-dhalinyaro ah, 35 ka mid ah waxa la horgeeyey maxkamada,kuwaas oo geystay boob, dhaawac iyo khasaare kaleba,waxa loo gudbiyey Xabsiga dhexe ee Mandheera,halkaas oo ay gar suge ku yihiin si dhakhso ahna waa loo guda geli doona dacwadooda,aad iyo aad ayey Ciidaanka boolisku uga hawlgaleen iyada oo tabo baddan oo dhalinyaradaasi la timid,annaguna(Ciidanka booliska) aanu la nimid qaar ka Casrisan oo lagu qab-qabtay oo lagu xidhay”. “Arrintaasi isku-dayga dil ee lagula kacay Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxay ahayd dhacdo fool oo Somaliland ugub ku ah oo qofkasta oo maqlayna uu aad uga xumaaday, Mujaahid Maxamed Kaahin waa nin qiima baddan oo waddanka xaq ku leh Waxaanu Maxamed Kaahin ka mid yahay birma-geyda Somaliland,dhacdadaasi waa Iskudayga dilka Ciidaanka boolisku aad iyo aad ayey uga xumaadeen, laga bilaabo 9 November ee ay dhacdadan foosha xun dhacday ilaa imika Ciidaanka boolisku waxaanu galnay hawlgal balaadhan oo goob kasta iyo meelkasta oo loo tuhmayo ragaasi falka isku-dayga dilka ku kacay oo aanu ka baadi goobayno.

Waxaanu imika qabanay 3-qof ayaanu qabanay oo weliba baadi-goobkii socdo, waxaanan ku raad-joogna laba ka mida sadexdii qof ee weerarka geystay, waxaanay Ciidaanka boolisku ku jiraan hawlgal balaadhan oo ay ku soo qabqabanayaan raggi danbigaasi geystay,iyada oo ay Ciidaanka boolisku tagayaan goobkasta iyo meelkasta oo lagu sheego ragaasi, waxaan halkan uga mahad-celinayaa qaar ka mida dadweynaha reer Somaliland ee gacanta siiyey baadhista Ciidanka boolisku ku guda jiraan.Dhacdadani waa arrin aad u fool xun oo aanu aad iyo aad uga xunahay oo adag oo aynaan Somaliland ahaan caado u lahayn, Ciidaanka booliskuna gacan bira oo adag ayey ku soo qabanayaan ragaasi falka geystay, oo si culus sharciga looga marin doono ciqaab culusna aanu marsin doono.Falkan isku-dayga dilka Maxamed Kaahin Axmed loo geystay keligii kumuu dhicin,balse waxa la weeraray qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, maadama ay ciidaanka boolisku maadama ay yihiin hay’adii amniga gudaha dalka,isla markaana ay ka mid yihiin Ciidamada qaranka Somaliland ee difaacaya gudaha iyo dibada-ba, maadama ay arrintaasi leedahay culeyskii ugu weyna waxaanu ku haynaa culeyskii iyo baadhistii ugu weynayd ayaan ku haynaa oo aanu wadnaa”. Waxa kale oo la weydiiyey Taliye Cabdilaahi Fadal waxay ilaa imika ka qabteen ragii isku daygii dilka ee hore loogula kacay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiillada, markaa si aanay waxan oo aynaan caado u lahayn u soo noqnoqnin in dadka waxaas ku kacay lagu xukumo si aanay u soo noqnoqonin?

 Waxaanu ku jawaaba “Horta annaga waajibkayagu waxa weeyaan inaanu Ciddii falkaasi geysatey inay bileysku baadi-goobo oo uu qabto, oo uu dacwadahooda dhameystiro, isla markaana uu maxkamadaha horgeeyo. 2-nin ee falkaasi hore ugu geystay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, isla markiiba ciidanka boolisku way ka hawlgaleen oo way qabteen labadii nin-ba oo waxay ku jiraan Xabsiga, baadhistiina waanu wadnaa,labadan dhacdo ee lagula kala kacay Maxamed Kaahin Axmed Iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo hore loogu geystay waxay ahaayeen laba dhacdo oo cul-culus oo adag si hufana waanu u baadheyna culeyska ugu badana waanu saareyna”. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa dhamaan bulshada reer Somaliland sida wanaagsan ee ay Ciidaanka booliska ula shaqeeyaan ee ay ula hawlgalaan, waxaanan shacabka reer Somaliland u jeedinayaa haday tahay hawlgal adag ama mid caadi ah ay fulinayaan Ciidaanka boolisku inay gacan siiyaan, waxaanay Ciidaanka boolisku goorkasta, wakhti-kasta heegaan iyo diyaar-ba u yihiin meelkasta oo uu dareen ka galo inay galaan oo ay baadhaan wixii ay ka shakiyaana ay qabtaan,waxaanan leeyahay shacabka reer Somaliland ha la yaabina baadhitaana cul-culus ee ay Ciidaanka boolisku samaynayaan ee waxaan idin leeyahay gacan siiya oo is-barbartaaga”.Ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi Fadal oo ka Jawaabayey Su’aal laga weydiiyey hawlgalada Ciidaanka booliska sida cul-culus bulshada iyo baabuurta ugu baadhaan ee soo noqnoqda waxay soo kordhiyaan!. 

Mustafe-janaale Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland 

Email: janaale94@gmail.com







http://samotalis.blogspot.com/

No comments: