12 November, 2013

“Nin Xisbi Furtay Marka uu Badheedhayo oo uu Dastuurkii jabinayo yaa Awoodaas isaga siiyay?”

“Nin Xisbi Furtay Marka uu Badheedhayo oo uu Dastuurkii jabinayo yaa Awoodaas isaga siiyay?”


Hargeysa,– Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sharci darro ku tilmaamay shirka qaran ee ay wada jirka u qaban qaabinayaan labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI.

Guddoomiyuhu waxa uu caddeeyay in cida kaliya ee awooda u leh qabashada shirka qaran uu yahay madaxwaynaha.waxaanu xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay in wadahaldal isku yimaadan oo tabashadooda ku sheegtaan isagoo xusay Kulmiye iyo xukuumadiisuba wada-hadal diyaar u yihiin.

Guddoomiyuhu waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad dheer oo uu maanta xisbiga KULMIYE u sameeyay 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda oo ku biiray una hiloobay xisbigaas.

“Xisbiyadda qaranka waa dastuuri, waxay ka mid yihiin qaranka, waxaan leeyahay xisbiyada mucaaradka waxaynu ku soconaynaa oo innoo dhex ah dastuurka qaranka. Qodobka 9aad waxa uu leeyahay, siyaasada wadanka waxa lagu hagayaa tallo-wadaag. Kulmiye diyaar ayuu u yahay tallo-wadaag, xukuumadiisu diyaar ayay u tahay. Wasiirka kasta xafiiskiisu waa u furan yahay ninka mucaaridka ahi inta uu tago ayuu u sheegi karaa dhaliishiisa uu tallana u soo jeedin karaa dastuurka ayaa qaraya nin-na laga baryi maayo,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata, “Guddoomiyaasha xisbiyadda waxa ay leeyihiin xasaanada ay kaga mudan yihiin dadka kale marka ay u baahdaan madaxwaynaha oo ayna meelna u marin, waliba xisbiga WADDANI guddoomiyahooda waa ninka saddexaad ee dastuurku u ogol yahay hab-maamuuska dalka sida loo kala mudan yahay madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka, guddoomiyaha wakiilada iyo guddoomiyaha guurtida sida dastuurkeenu inoo sheegay. Markaa waxa nasiib darro ah ninkii saddexaad ee dastuurku siiyay hab-maamuuska dalka uu yidhaahdo shir beeleed ayaan qabanayaa. guddoomiyaha baarlamaanka waxa saaran waa ninka shuruucda dalka dejiya waxa uu leeyahay awood lagu kaantaroolo madaxwaynaha iyo Wasiirrada, isagoo aan xisbiga WADDANI ahayn ayuu leeyahay awood uu wixii tallo ahna ugu geeyo wixii dhaliilana wax kaga qabto”.

Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in aanay caqli gal ahayn in xisbiyada mucaaridku ay la wareegaan awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ma dhici karto nin xisbi xukumaa inuu u gudbo awoodii madaxwaynaha ee qaranka oo dhan midaynaysay , maxaa laysku hayaa, madaxwaynaha ma diidana in la wada tashado, Kulmiye ma diidana, anigoo ah guddoomiyaha Kulmiye wali nimankaasi iimay odhanin wax baa siya xukumadiina way nagu soo taag-taagan tahay ama waa nala maqli waayay ee naga qabo maanaan wada hadalba.”

“Labada xisbi ee mucaaradka waxaanu u ogol nahay inay na dhaliilaan, wixii tallo ah ee wanaagsanna keenaan, inay nala tartamaan oo dhaliishayada sheegaan in fikrad taayada ka fiican ummada u sheegaan oo nagula tartamaan, howshii aanu u igman nahay xukuumadda aad ku fara galisaan oo aad khalad ugu tagtaan dawladnimadii idinka ayaa xumeeyay ninna laga yeeli maayo dastuurka ayaan si badheedh ah u jabinayaa,”ayuu khudbadiisa ku sheegay Guddoomiye Muuse Biixi, waxaanu intaas dabo dhigay. “Nin xisbi furtay marka uu badheedhayo awoodii qaranka ayaan qaadanayaa yaa awoodaas isaga siiyay? Sidee buu u qaadan karaa ma ummadda oo dhan ayaa la jiidhayaa ma suurto galayso, maxaa laysku hayaa, walaalahayo waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha ayaa shir qaran isagu yeedhi kara cid kale oo iskugu yeedhi kartaa. Waxan ummada lagu jaah-wareerinayaa xeerna maaha, waxaan leeyahay isku keen keena waxaad garan la’dihiin noo sheega haddii la’idin dow marin waayo dar-jiidha laakiin la’idinka yeeli maayo arrintan”.


11-kan xildhibaan ayaa 6- ka mid ahi ahaayeen xildhibaandii xisbigii burburay ee Udub, halkay shanta kalana sheegeen inay ka soo diga-rogteen xisbiga Ucid.

waxaana ka mid ah :-

1-Saciid Maxamed Cilmi (Saciid Af-weyne)

2-Xasan Muuse Hufane

3-Axmed yaasiin Sheikh Cali Ayaanle

4-Mahdi Xaaji Cabdillahi

5-Axmed Madar Sii-arag

6-Maxamed Axmed Dhakool

7-Maxamed Baaruud Shide

8-Cabdi Gaagaale


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: