21 November, 2013

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA GEERIDA MARXUUMAD SHUKRI JIRDE XUSEEN

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA GEERIDA MARXUUMAD SHUKRI JIRDE XUSEEN

Inaalilaa wa ina illeyhi raajicuun. Annigoo ku hadlaya magaca reer Carwo iyo reer Gaaxnuug Cabdillahi, waxaan la qaybsanaya murugada iyo naxdinta ka dhalatay geerida kediska ugu timid habarwadaagtay iyo sodohday Alle ha u naxariiste Shukri Jirde Xuseen. Shukri waxay ahayd hooyo, ayeeyo iyo macooyo tafiir baaxad weyn dunida kaga tagtay. Ruux muumin ah oo ku barbaarisay ubadkeeda ku dhaqanka diinta iyo akhlaaqda suuban. Ruux afgaaban, naxariis badan, cid kasta ku qaabisha waji furan iyo gacamo waxtar leh. Waxay ahayd ruux isku xidha ehel, gacal, iyo qaraababa.

Waxaan tacsida la wadaagaya Cumar Carte Qaalib iyo caruurteeda ILma Cumar Carte iyo tafiirta badan ee ka tarantay, kana mid yihiin xaaskeyga Amaal Cumar Carte iyo caruurteyda. Sidoo kale waxaan tacsida la wadaagaya Reer Jirde Xuseen iyo Reer Gaaxnuug Cabdillaaahi.Waxaan Alle inooga baryaya inuu ina waafajiyo samir iyo duco. Waxa inaga baxay xundhurtii isku keyn haysay ee Alle heynaga yeelo kuwa xusuusteeda ka dhiga isku xidhnaan iyo inaynu aloosno wadajirkii iyo iska warhayntii ay ina bartay.

Hooyo Shukri waxaynu dhammaan markhaati ka nahay siday camalka fiican ee aakhiro iyo ifkaba waxtarka ah ay ugu hawlanayd. Ruux aan marna afkeeda laga maqal wax dhib ah gacanna iska dhaaf. Ruux xusuusnaa xili walba in nolashu tahay geedi, aakhirina tahay hoyga dhabta ah. Shukri inta ruux aakhiro u sahan qaato inti ugu badnayd ayey iska horeysiisay. Alle ha ka yeelo ruux uu ka aqbalo wanaagii iyo cibadadii aan kala go’a lahayn, hana ku abaal mariyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul fardaws. Ameen.

Alle danbigeeda ha dhaafee waxay Shukri ku geeriyootay magaalada Riyadh ee Sacuudiga, iyadoo salaadi subax tukatay kolkay dhammeysatayna dhacday naftuna sidaas iyo xiligaas iyo goobtaas wacan kaga baxday khamista 21/11/2013.

Waxan ka codsanaya ruux kasta oo akhrista tacsidan inuu si niyad ah ugu duceeyo Marxuumad Shukri Jirde Xuseen, idinkana Alle heydinka abaal mariyo. Amiiiiiin Ya Allah.


Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha SL ee Dhaqaalah

Eci.advisor@gmail.com

Hargeysa 063 4096421




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: