26 November, 2013

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUDANE AXMED CARWO

TACSI: GEERIDA GUDDOOMIYIHII HORE EE GOLAHA WAKIILADA MARXUUM AXMED MAXAMED (QAYBE)

Waxaan tacsi u diraya ehel, qaraabo, xigto iyo xigaal, iyo asxaabta Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihi hore ee Golha Wakiilda. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynaya Golayaasha Qaranka si gooni ahna Golaha Wakiilada ee uu muddo dheer oo xasaasi ah uu hoggaaminaayey. Sido kale waxaan tacsi gaar ah u diraya Gobalka Sool ee xundhirtiisu ka soo jeeday.

Marxuum Axmed Qaybe waxuu ahaa taariikh socota isagoo ilaa xiligii gumeysiga Ingiriska ku jiray hawlo qaran iyo mansabyo siyaasadeed. Waa Oday qaran oo kaalin mug leh ka qaatay dimuquraadiyeynta Soomaliland xiligoo hoggaanka u hayey Golaha Wakiilada.

Alle ha ha u naxariisto Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) hana ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardaws, ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo samir iyo duco. Aamiiin.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: