28 October, 2013

Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Xadhig Su’aalo Badan Dhaliyay Oo Lagu Xabisay Marwo Ka Shaqeysa Daryeelka Caruurta


Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Xadhig Su’aalo Badan Dhaliyay Oo Lagu Xabisay Marwo Ka Shaqeysa Daryeelka Caruurta






Hargeysa, Somaliland, October 28, 2013, (Saxafi) - Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta loo xidhay guddoomiyaha xarunta darbi-jiifka ee Mustaqbal Marwo Luul Xasan Mataan oo ku jirta Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.




Taliye Faddal oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wariye Mustafe Janaale ayaa ku tilmaamay Xadhiga Marwo Luul mid la xidhiidha fal khal-khal-gelin nabadgelyo darro ah oo ay soo abaabushay iyo gaadhi ay leedahay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ay diiday inay soo wareejiso.

Ugu horeyn Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlaya sababta lagu soo xidhay guddoomiyaha Xarunta darbi-jiifka ee Mustaqbal Luul Xasan Mataan? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa lagu xidhay fal khal-khalgelin nabadgelyo darro ah, isla markaana dhaawac keenay, oo todobaadkii la soo dhaafay iyada oo Siminaar ka socdo Huteel Maansoor ay soo abaabushay Caruur ay dhashay iyo dad kale, isla markaana iyadda oo Siminaarkii socdo dad Somalilander ah iyo ajanebiya lagu weeraray oo Gabadh la yidhaahdo Samsam-na dhaawac loogu geystay. Waxa dacweynaysa Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada oo ku dacweynaysa Baabuur ay Wasaaradu leedahay oo ay ku wareejisay hay’ada Save The Children oo ay diiday inay si sharci ah u wareejiso iyo iyada oo berri hore laga qaaday Xilka oo diiday inay wareejiso. Sidaas waxaa ku cad qoraalada ay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshadu noo soo gudbisay,”

Sidoo kale, Mar la weydiiyay Taliye Cabdilaahi Fadal waxaad bixisay amarka soo qabashada Luul Xasan Mataan oo aan sifo sharci ah loo marin arrintaasi maxaad ka odhan lahayd? Waxa uu ku jawaabay “Waxay u xidhan tahay sharciga iyo falka ay gashay iyadu,”



Waxa kale oo la weydiiyey Cabdilaahi Fadal Luul Xasan Mataan Xaruntan lagu Xanaaneynayo Caruurta derbi-jiifka iyada hindisaheeda lahayd oo ku tacabtay,isla markaana Caruurta darbi-jiif ah ka soo uruurisay gidaarada oo la kaashatay dadka, markaa maxay Wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshadu ugu haysataa? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Taa Wasaarada Shaqada ayeydun weydiin doontaan, Aniga waxaan ku sheegayaa falka denbi ee ay gashay,”




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: