28 October, 2013

Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Ka Qeyb Gelaysa Iyo Meelahay Ka Kala Iman Doonaan


Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga Ka Qeyb Gelaysa Iyo Meelahay Ka Kala Iman Doonaan



Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo shaaciyey tirada Ergooyinka shirweynaha xisbiga ka qeyb gelaysa iyo meelahay ka kala iman doonaan



Hargeisa--War saxaafadeed uu soo saaray xisbiga kulmiye ayey ku sheegeen in Gudiga fulinta ee xisbigu isla meel dhigeen tirada ergooyinka shirweynaha xisbiga ka soo qeyb gelaysa iyo meelaha ay ka kala iman doonaan,waxaanu u dhignaa warsaxaafadeedkaa oo dhamaystirani sidatan.

Shir ay xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta gelinkii dambe ku yeesheen guriga Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga wada hadlay tirada guud ee ergooyinka ka soo qayb galay doona shirweynaha 3aad ee xisbiga oo qabsoomi doona 25-ka bisha December ee sannadkan 2013.

Shirka uu oo uu guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa dood iyo falanqayn kadib xubnaha Guddiga Fulintu cod buuxa oo gacantaag ah ku ansixiyeen in tirada ergooyinka shirweynaha 3-aad noqoto 801 ergay, kuwaas oo kala iman doona golaha dhexe ee xisbiga, guud ahaan gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka iyo weliba laamaha kala duwan ee xisbigu ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Waxa kale oo shirka la isula gartay in kulan dambe xubnaha Guddiga Fulintu isugu yimaadaan berri, kaas oo ay ku sii falaqayn doonaan qorshaha ay ku hawlgeli lahaayeen Guddiga Qabanqaabada shirweynaha ee dhawaan la ansixiyey”




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: