24 September, 2013

MADAXWEYNAH SOMALILAND OO ANSIXIYEY XEERKII CASHUURAHA WADOOYINKA

WAR-SAXAAFADEED MADAXTOOYADA SOOMALILAND

XEERKA CASHUURTA WADOOYINKA

Xeerkan ooy saaka golaha Wakiiladu ku ansixiyeen aqlabiyad xoogan oo ah 58 halka ay diidiin 8 xubnood oo kaliye, kana aamuseen 3 xubnood., iyo isla maantaba Madaxweyne Siilanyo ku dhaqangaliyey wareegtadan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed

Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay

JSL/M/XERM/249-2048/092013 ku dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta

Horumarinta Waddooyinka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-

22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku

ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta

Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr.

64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.







http://samotalis.blogspot.com/

No comments: