23 September, 2013

Liiska Magacyada Dhalinyaro Somaliya Oo Al-Shabaab Baahiyeen,Sheegeena Inay Ka Qeyb Qaadanayaan Hawlgalka Lagu Qabsadey West-Gate Mall – Nairobi Oo Weli Socda.

Liiska Magacyada Dhalinyaro Somaliya Oo Al-Shabaab Baahiyeen,Sheegeena Inay Ka Qeyb Qaadanayaan Hawlgalka Lagu Qabsadey West-Gate Mall – Nairobi Oo Weli Socda.

Liiska magacyada Dhalinyaro Somaliya oo Al-shabaab baahiyeen.sheegeena inay qeyb ka ahaayeen hawlgalka lagu qabsadey West-gate Mall – Nairobi oo weli socda.

Nairobi-(Qaran-news)-Xarakada Al-Shabaab ayaa boggay ku leedahay Twitter-ka soo dhigay magacyada 9 ruux oo ay sheegeen inay ka mid yihiin Xoogaga ka qeyb qaadanaya hawl-galka maalintii labaad ka socda Suuqa Ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.


9 Ruux ee somalilada ah oo u badan dhalinyaro ayaa siday sheegeen Al-shabaab ka kala yimi dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, Canada, Britain iyo Finland, iyo qaar kale oo ka kala yimid Soomaaliya, Somaliland iyo Kenyaba.

Magacyada ayaa intay mid mid u soo dhigayeen si lama filaan ah looga xidhay Barahooda Twitterka, labada barood oo cinwaankooda kala ahaa HSM_Press2 iyo HSM_Press Office

Hadaba Liiska Magacyada la soo dhigay Barta Twitter-ka Al-shabaab ka hor inta aan la xidhin bartooda sidan u qornaa:

Ahmed Mohamed Isse 22 y.o native, from saint paul minnesota,

Abdifatah Osman Keenadiid. 24 y.o from minneapolis

Gen Mustafe Noorudiin. 27 y.o from kansas city. MO

Qasim Said Mussa 22 y.o garissa KE.

Ahmed Nasir Shirdoon 24 y.o from london UK

Zaki Jama Caraale 20 y.o from hargeisa somalia

Ismael Guled 23 y.o from helsinki finland.

Sayid Nuh 25 y.o from kismayu somalia

Abdirizak Mouled 24 y.o from ontario canada


Ciidamada kenya ayaa wali la hardamaya kooxihii qabsaday dhismaha oo la sheegay inay dhismaha kore isugu tageen, isla markaana muddo 30 saacadood ka badan ku sugan yihiin gudaha xarunta, kuwaasoo la rumeysan yahay inay maxbuus ahaan u heystaan dad aan tiradooda la sheegin.

Qarannews
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: