12 September, 2013

Hargeysa: Booliska Oo Qabtay Nin Xalay Toori Ku Dilay Nin Kale

Hargeysa: Booliska Oo Qabtay Nin Xalay Toori Ku Dilay Nin Kale

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Hargeysa ayaa qabtay nin xalay fiidkii toorey ku dilay marxuum kale, kaas oo islamarkiiba geeriyooday.

Taliska Booliska Somaliland, ayaa Geeska Afrika u sheegay in la qabtay eedaysanaha oo uu magaciisu yahay Aadan Xasan Gubadle, halka marxuumka geeriyoodayna magaciisu yahay Khadar Xirsi Gubadle.

Ciidamada Boolisku, waxay sheegeen in markii uu falku dhacayba ay wax yar ka dib qabteen eedaysanaha, kaas oo lagu xidhay saldhiyada magaalada Hargeysa. Waxaanay intaas raaciyeen inay socoto hawsha baadhista ee la xidhiidha sida uu falku u dhacay.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: