07 September, 2013

Faah Faahin:18 Ruux Oo Ku Naf Waayey Qaraxyadii Muqdisho Maanta Ka Dhacay

Faah Faahin:18 Ruux Oo Ku Naf Waayey Qaraxyadii Muqdisho Maanta Ka Dhacay

Sep 7,2013 Muqdisho(Cadceed) Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyadii maanta ka dhacay Barxadda Iskaashatooyinka gaadiidka degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho,qaraxyada oo ahaa Labo qarax ayaa midka hore waxaa fuliyey gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo la dhigay goob gaadiidka la dhigto oo kasoo horjeedda Maqaayadda Village.
Qaraxaasi markuu dhacay ayey kala carareen dadkii ka badbaaday qaraxa,goobjoogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay inuu qaraxa labaad fuliyey ruux xirnaa Suumanka qarxa kaasoo isku qarxiyey dadkii qaraxa ka badbaaday.
Qaraxa danbe ayaa la sheegay inuu dhaliyey khasaaraha ugu badan,Xildhibaan Xiis Muuse oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa xiliga qaraxu dhacayey ayaa ka waramay wixii uu indhihiisa ku arkay,wuxuuna sheegay in gaari uu lahaa uu daqiiqado kahor ku Baakimay halka uu qaraxu ka dhacay kadibne uu gudaha u galay Maqaayadda Villave.
Xildhibaanka ayaa sheegay in darbiga Maqaayadda lagu qarxiyey gaariga hore kaasoo lala damacsanaa dadka gudaha ugu jira Maqaayadda,qaraxa ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyey 18 ruux oo u badan dad rayid ah halka dhaawucune uu cagacagaynayo 30 ruux oo kale.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo goobta soo gaaray ayaa ka tacsiyeeyey dadka ku waxyeeloobay qaraxa,wuxuuna sheegay iney ka xun yihiin dhibaatada ka dhacday goobta,wuxuuna dhaliishay soo noqnoqshada weerarada nuucan ah dusha ka saaray shacabka Soomaaliyeed oo dhibbane u ah khasaaraha weerarada Muqdisho ka dhaca.
Warsame Maxamed Xasan Joodax gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney laamaha amniga lasoo socodsiiyaan xogta ku saabsan qorshayaasha ay Al-shabaab ku doonayaan iney magaalada qaraxyo uga geystaan.
Col.Maxamed Daahir taliyaha saldhigga booliska degmada X/weyne ayaa sheegay iney hadda hayaan dhimashada 18 ruux oo rayid ah,wuxuuna tilmaamay iney wali wadaan tirakoobka dadka ku waxyeeloobay qaraxyada.
Masuuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya oo iyagu masuul ka ah ilaalinta amniga shacabka Soomaaliya ayuu waxqabadkoodu kusoo koobmay cambaareyn iyo iney ka tacsiyeeyaan dhibaatada dhacday halkii ay ka hortagi lahaayeen intii aysan dhibaatadu dhicin.

Cadceednews Muqdisho Office


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: