07 September, 2013

Cawil Oo Qoray Saddex Buug Oo Cusub Iyo Xogaha Ku Duugan

Cawil Oo Qoray Saddex Buug Oo Cusub Iyo Xogaha Ku Duugan

sawirka Amb.Cawil Iyo Raila Odinga



Hargeisa-(Qarannews)-Wasiirkii hore ee maaliyadda xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa diyaariyay saddex buug oo uu mid ka mid ahi ka hadlayo guud ahaan Somaliland, halka ay labada kalena ka hadlayaan hoggaamiyaha Djibouti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Raysalwasaarihii geeriyooday ee Itoobiya Meles Zenawi.

Danjire Cawil, oo isagoo ku sugan magaalada Nayroobi xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay saddexda buug ku jiraan marxaladii tifaftirka, ka dibna ay u gudbi doonaan madbacadaha daabici doona. Magacyada saddexda buug wuxuu Cawil ku kala sheegay sidan:

Somaliland Politics and politicians:Buugani wuxuu kaga hadlayaa macluumaad badan, waxaanu taariikhda ka soo bilaabayaa sannadkii 1955, siyaasad, taariikh, dhaqaale iyo dhaqanba, waxaanu soo wadayaa ilaa sanadkan 2013. Wuxuu Geeska Afrika u sheegay in cutubka buugan ugu muhiimsani uu yahay waxyaabo badan oo uu la kulmay mudadii uu ahaa wasiirka maaliyadda sida siyaasiyiintii uu la kulmi jiray, dareenadooda, aragtiyahooda iyo waxyaabaha ay aaminsanaayeen.

Ismail Omer Geuleh Djibouti: Buugani wuxuu isna ka hadlayaa waxyaabaha uu dalka Djibouti ku soo kordhiyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, sida ay Djibouti ahayd xukunkiisa ka hor iyo sida ay maanta tahay

Meles Zenawi Itoobiya: Buugganina wuxuu ka hadlayaa taariikhda hoggaamiyihii geeriyooday ee Itoobiya, aragtiyihii uu aaminsanaa iyo siyaasadihiisii dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Cawil Cali Ducaale, oo hore u qoray buugaag kale oo caan ah, wuxuu sheegay inay saddexdan buug oo dhammaystirani ay isku mar soo geli doonaan suuqyada buugaagta, waxaanu sheegay inuu qaybo ka mid ah soo gaadhsiin doono Somaliland. Wakhtigii uu Cawil ahaa wasiirka maaliyadda ee xukuumadii Rayaale, wuxuu balan qaaday inuu qori doono buug.

Geeska
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: