05 August, 2013

War-Weyn: HARGEYSA: Xukun Lagu Riday 21 Wiil Oo 2 Haweena Kufsadey


War-Weyn: HARGEYSA: Xukun Lagu Riday 21 Wiil Oo 2 Haweena Kufsadey




Hargeisa-(Qaran-news)-Maxkmada Somaliland ayaa xadhig u dhexeeya 5 shano ilaa 10 sano ku riday daraasiin dhalinyaro ah oo lagu helay kufsi wadareed sida gudoomiyaha maxkamada Hargeysa Faysal Dhaga-dhago warbaahinta u sheegay.



Dhalinyaradan oo tiradoodu gaadhayso 21 Wiil ayaa lagu soo oogay inay mudo todobaad ka hora sameeyeen Kufis-wadareed,waxaana xogaha Qarannews heshay intaas raaciyeen inay kufsadeen laba haweena oo ka tirsan Qoyska Wasiir ka mid ah golaha xukumada Siilanyo xaafada New Hargeisa.



20 ka mid ah dhalinyaradan ayaa midkiiba maxkmadu ku riday xadhig dhan 10 sano, halka mid ka mid ahna lagu xukumay shan sano.

Isku soo wada duuboo waa markii ugu horeysay ee kufsi-wadereedyo noocan oo kale ahi ka dhacaan dal aan dagaal ka jirin dunida.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: