14 August, 2013

Hargaysa Oo Saaka Ku Waabariisatay Baadhitaano Xoogan Oo Iskugu Jira Gaadiidka Iyo Dadka Saaranba Oon Hore Loo Baran.

Hargaysa Oo Saaka Ku Waabariisatay Baadhitaano Xoogan Oo Iskugu Jira Gaadiidka Iyo Dadka Saaranba Oon Hore Loo Baran.
dadka qaar ayaa lugta miciinsaday markii ay baabuurtay la socdeen mashquul awgeed ay dhaqaaqi waayeen

Hargaysa (GNS) waxaa saaka aroortii lagu arkay ciidan tiro badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waawayn ee magaalada hargaysa. 
Ciidankan ayaa waxay baadhitaano xoogan ku sameeynayeen gaadiidka iyo dadka fuushan gaadiidka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo meel walba lagu baadhaya iyadoo dadka qaar ay mushquulka awgii kaba dageen baabuurtii ay saarnaayeen oo ay iskaba lugeeyeen iyagoo ka hab saamayay shaqooyinkooda. 
Baadhitaankan oo ay iska kaashanayeen ciidanka nabad galyada wadooyinka iyo kuwa booliska ayaan hore oo kale looga baran in la baadho gaadiidka wakhtiyada aroortii iyadoo hore loo baadhi jiray gaadiidka wakhtiga habeenkii Lama oga sababta ka danbaysa in wakhtigan la baadho gaadiidka dadwaynaha. 
Dad xogogaal ah ayaan noo sheegay in laga shaki qabo in firxadkii al-shabaab ay ku soo dhuuntaan magaalooyinka Somaliland taas oo keentay in si xad dhaaf ah saaka loo baadhayay baabuurta . 

Kamaal Sh Ismail Adem 
Gabileynews
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: