25 August, 2013

Dawladda Somaliland waa inay aad uga taxadirtaa Siidhka lagu sheegay in qiimihiisu dhan dhan yahay $2 Million Dollar, intaan loo qaybin Beeralayda.......War bixin muhiim ah

Balaayo ka hor tag bay leedahay, ee ka daba tag ma lah ! 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  
shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.

Sida saxaafadu soo gudbisay,waxaa dalkeena la  soo gaadhsiiyey Siidh qiimihiisa
lagu sheegay  $2 Million oo Dollar,looguna talo galay baa la yidhi  sidii ay 
Beeralayda Somaliland uga faaiidaysan lahayeen,ma nasteexaa , mise waa hooyo ku go' !.


Su'aasha is weydiinta lihi waxay tahay :

1-Siidhkani inuu caafimmad qabo,oo berrito dalagga ka soo go'aa aanu ciida &
caafimaadka dadkaba wax yeelo soo gaadhsiineyn, yaa damaanad qaaday.


2-Yaa xaqiijiyey in Siidhkani aanu ahayn mid Gene kiisa wax ka bedel lagu sameyey,
GMO seeds (Genetically Modified Foods).


Sida khubaro waaweyn oo caalamka daafihiisa ku kala nooli ay baadhis dheer  ku sameeyeen,waxay ka
digeen khatarta ku duugan,lagana kulmi karo isticmaalka Genetically Modified Food (GMO) iyo
cudurada ay u geysan karaan caafimaadka dadka.Xukuumada Somaliland masuuliyad culus baa ka saaran daryeelka
dadkeeda iyo dhul beereedkaba,waana inay aad uga  taxadirtaa cuntooyinka lagu caawinayo,daawooyinka,midhaha la beeranyo ,iwm.

Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa war bixin muuqaal ah , oo aad u qoto dheer,kuna
sahabsan Siidhka wax ka bedelka lagu sameeyo & aafadiisa ..Guji si aad u daawato:


https://www.youtube.com/watch?v=eUd9rRSLY4A


Eng. Mohamed Ali Muse


No comments: