30 August, 2013

Daawo Sawirada Xisbiga Kulmiye oo Bariga Magaalada London Ku Soo dhaweeyey Xubno Ka Soo Baxay Xisbiga Wadani

Daawo Sawirada Xisbiga Kulmiye oo Bariga Magaalada London Ku Soo dhaweeyey Xubno Ka Soo Baxay Xisbiga Wadani





London (TNN):-Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ku qaabilay xubno ka soo jabay Xisbiga wadani isla markaana u digarogtay xisbil Xaakimka kulmiye.

Xubnahan ka tirsanaa masuuliyiinta xisbiga wadani waxa ay kala ahaayeen Zaynab Maxamed Cali oo ahayd gudoomiyaha wacyi galinta ee garabka haweenka Uk iyo Shooqi Xaddi oo ahaa gudoomiyaha dhaqaalaha xisbiga wadani isla markaana gudoomiyaha Xisbiga wadani ee magaalada London.

Labadan xubnood ayaa mid waliba geestiisa ka cadeeyay in laga bilaabo maanta ay si toosa ula sha qaynayaan xisbiga Kulmiye .

Geesta kale masuuliyiinta, hawl wadeenada iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye ee Uk ayaa si wayn u sii sagootiyay Gudoomiye Kuxigeenka koobaad ee xisbiga kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed, oo ku sii jeeda Dalka jamhuuriyadda Somaliland isaga oo maalinta Bari ah ka anba bixi doona Magaalada London haddii alaha awooda lihi ogo laado.

Ugu danbayntii xafladan ayaa waxa ay ku soo gabo gabowday jawi aad u wanaagsan.


Timacade News Desk
London,UK


http://www.longlivesomaliland.com/daawo_sawirada_xisbiga_kulmiye_o.htm

















http://samotalis.blogspot.com/

No comments: