13 August, 2013

Caaqil Cusub oo Hargeysa Lagu Caleemo Saaray


Caaqil Cusub oo Hargeysa Lagu Caleemo Saaray

Hargeysa (Waaheen)- Beesha Bahgabo (Reer Cali) oo ka tirsan beelaha Sacad Muuse, ayaa caaqil cusub u caleema saaray Chief-caaqil Maxamed Xaaji Cabdi Nuur, kadib markii uu xilkaas ka geeriyooday aabbihii marxuum Xaaji Cabdi Nuur Kenadiid maalintii Sabtida ee toddobaadkan.

Xafladda caleemo-saarka caaqilka cusub oo ka dhacday shalay guriga odayaasha beeshaas ee caasimadda Hargeysa, ayaa dood iyo falanqayn dheer waxa ay cuqaasha ardaayada beeshu ka kooban tahay isku raaceen in Mr. Maxamed Xaaji Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah inuu buuxiyo xilkii caaqilnimada ee uu aabbihii ka geeriyooday.

War-murtiyeed laga soo saaray gunaanadkii kulankaas oo ay ku saxeexan yihiin cuqaasha ardaayada beesha Reer Cali [Bahgobo] ka kooban tahay waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Odayaasha beesha Reer Cali Idiris oo ka tirsan beel-weynta Bahgobo markay aragtay geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Allaah ha u naxariistee Chief-caaqil Xaaji Cabdi Nuur Kenadiid; Card No. 328 oo ka diiwaangashanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland;

Markay arkeen, jagada bannaanaatay ee chief-caaqilka guud ee beesha, isla markaana lagama maarmaan noqotay in la buuxiyo;

Markay tixgeliyeen; dhaqanka soo jireenka ahaa ee beesha iyo guud ahaan Somaliland;

Waxay isla garteen, go’aanna ku gaadheen in loo caleemo saaro wiilka ugu weyn carruurta uu ka tegay caaqilka geeriyooday Maxamed Xaaji Cabdi Nuur uu laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/08/2013 [shalay] yahay chief-caaqilka guud ee beesha Reer Cali Idiris ee beel-weynta Bahgobo.

Sidaa darteed, waxay odayaasha beeshu ku wargelinayaan dhammaan cidda ay khusayso inay gacan siiyaan, kulana shaqeeyaan chief-caaqilka cusub rabitaanka beeshu ku dooratay, waxaanuna Ilaahay uga rajaynaynaa in Rabbi xilka u fududeeyo, kuna garab galo.”

Magacyada madax-dhaqameedka beesha ee go’aankan saxeexay waxay kala yihiin:

1-Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Baxar)

2-Oday Cumar Ciise Caalin

3- Oday Axmed Ibraahim Bidde

4-Oday Axmed Cabdi Xaaji

5-Oday Maxamuud Ciise Jaamac

6-Oday Siciid Cabdi Batuun

7- Oday Cigaal Cali Nuur

8- Oday Cabdillaahi Maxamed Ceesh

9-Caaqil Aadan Xidh-goodir.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: