28 August, 2013

Boqortooyada Sucuudiga Oo Soo Saartay Amar Caafimaad Oo Saamaynaya Xujeyda Reer Somaliland Ee Sannadkan Xajaysa

Boqortooyada Sucuudiga Oo Soo Saartay Amar Caafimaad Oo Saamaynaya Xujeyda Reer Somaliland Ee Sannadkan Xajaysa
Riyad(Geeska)-Dawladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa soo saartay amar khuseeya xujayda sannadkan ka xajaysa dalalka Somaliland, Somaliya iyo Kenya, kaas oo ku saabsan dhinaca caafimaadka.

Wasaaradda caafimaadka Sucuudiga ayaa fartay xujayda ka tagaysa Somaliland, Somaliya iyo Kenya inay lix toddobaad ka hor inta aanay u socdaalin Xajka ay sii qaataan talaalka xanuunka dabaysha oo lagu arkay dalalkan, islamarkaana ay qaataan shahaado caafimaad oo cadaynaysa inay daawadaas qaateen. “Xujeyda Somaliya iyo Kenya marka ay soo gaadhaan boqortooyada Sucuudiga waa inay sitaan warqad caafimaad oo cadaynaysa inay xanuunka dabaysha iska soo talaaleen.” Sidaas waxa yidhi sarkaal ka tirsan wasaarada caafimaadka Sucuudiga oo doraad u waramay wargeyska Arab News, waxaanu intaas raaciyay, “Marka ay halkan [Sucuudiga] soo gaadhaana waxa la siin doonaa talaal kale oo dabaysha ah oo lagu salaynayo da’dooda.”

Wuxuu sarkaalkani Intaas raaciyay inay muhiim tahay inay talaalka dabaysha soo qaataan lix toddobaad ka hor marka ay u baxayaan gudashada waajibaadka Xajka, islamarkaana ay warqadooda caafimaad ku cadaataa inay lix toddobaad ka hor soo qaateen talaalkaas xanuunka dabaysha, waxaanu sheegay inay go’aankaas qaateen ka dib markii ay ogaadeen in xujeyda ka imanaysa deegaanadan lagu arkay xanuunka dabaysha.

Inkastoo masuulkan ka tirsan wasaaradda caafimaadku aanu xusin xujeyda reer Somaliland, haddana dabcan go’aankani si toos ah ayuu u khuseeyaa, maadaama oo ay boqortooyada Sucuudigu weli Somaliland u aqoonsantahay qayb ka mid ah Somaliya. Sidaas darteed Geeska Afrika wuxuu xujeyda reer Somaliland ee sannadkan ugu baaqayaa inay buuxiyaan shuruudaas caafimaad si aanay dhibaato ugu iman gudashada waajibaadka xajka.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: