24 July, 2013

Heshiis Rasmiya Oo Dhexmaray Labada Xisbi Mucaarid Ee Wadani Iyo Ucid Iyo War-Murtiyeed Ay Wadajir U Soo Saareen


Heshiis Rasmiya Oo Dhexmaray Labada Xisbi Mucaarid Ee Wadani Iyo Ucid Iyo War-Murtiyeed Ay Wadajir U Soo Saareen


Hargeisa-(Qaran-news)-Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADANI oo mudo dheer Deeradu dhexmiranaysay,siyaasadana ku kala tegay ayaa markii u horeysay gaadhay heshiis rasmiya oo ka kooban toban qodob oo u noqon doona dabar hakiya dacaayadihii raqiiska ahaa ee ay warbaahinta isu marin jireen,islamarkaana xukumada siilanyo ku ilaalin doona sharciga .



Geesta kale waxaa dadka siyaasada Somaliland indha-indheeyaan sheegayaan in haddii labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Wadani noqdaan xisbiyo mucaarida oo asal ah ay wax badan oo ka qaloocday xukumada saxi karaan,falal iyo dhaqano guracan oo ay ku kacdan hor istaagi karaan ama xakamayn karaan.



War-murtiyeed ay wada jir u soo saareen labada xisbi ayaa u dhignaa sidatan

Waxanu u dhignaa Heeshiiski Sidan.
1. In la magacaabay guddida wada shaqaynta labada xisbi mucaarid,
2. Inay labada xisbi mucaarid iska kaashadaan sidii ay xukuumada ugu ilaalin lahaayeen ku dhaqanka distoorka iyo shuruucda dalka

3. In labada xisbi mucaarid ay ku heshiiyaan inay xukuumada si mug leh ugala shaqeyaan hawlaha ictiraafk radinta dalka

4. In wada tashi joogto ah laga yeesho marxaladaha uu marba dalku marayo

5. In si wada jira layskaga kaashado arimaha doorashooyinka dalka si aanay doorashooyinku wakhtigoodii ugu qabsoomaan, dib uga dhicin

6. Inay labada xisbi mucaarid diyaar u yihiin inay xukuumada iyo xisbiga Kulmiye kala shaqeeyaan danaha guud ee dalka

7. Inay reeban tahay inay labada xisbi iska duraan warbaahinta, oo aan laysku marin wax aflagaado ah

8. In haddii uu wax khilaaf ahi soo kala dhex galo ay labada xisbi si wada jira u xaliyaan

9. In si wada jir ah loola shaqeeyo guddida doorashooyinka qaranka iyo daneeyayayaasha doorashooyinka

10. In guddida wada jirka ah ee labada xisbi qaran ay anshax mariso cidii burisa mid ka mid ah qodobada heshiiska labada xisbi.



Isku soo wada duuboo heshiiskaa taariikhiga ah ee dhexmaray labada xisbi Mucaarid UCID iyo WADANI waxaa labadooda dhinac u saxeexay oo qalinka ku duugay labadooda gudoomiye xisbi cabdiraxmaan cirro iyo faysal cali waraabe.




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: