05 June, 2013

Xulka Kubadda Kollayga Ee Gobalka Gabiley Oo Caawa Kaga Adkaaday Ciyaarta Kubada Kolayga Dhigooda Gobalka Awdal.

Xulka Kubadda Kollayga Ee Gobalka Gabiley Oo Caawa Kaga Adkaaday Ciyaarta Kubada Kolayga Dhigooda Gobalka Awdal.
Ciyaartan oo ahayd ciyaartii labaad ee tartanka Kubadda kollayga.........

Xulka kubadda Kollayga ee gobolka Gabiley ayaa caawa ka badiyay xulka kubadda Kollayga ee gobolka Awdal oo ay caawa wada yeesheen ciyaar adag oo xamaasadeedu aad u saraysay. 

Ciyaartan oo ahayd ciyaartii labaad ee tartanka Kubadda kollayga oo ka socda garoonka kubadda Kolayga ee Tima-cadde ee caasimadda Hargeysa. 

Ciyaartan waxa u soo daawasho tagay Wasiirrada Ciyaaraha, Warfaafinta, Duulista Hawadda, Badhsabaabka Gabiley iyo Badhasaab Ku xigeenka Awdal, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiiladda iyo Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo Taageereyaasha labadan xul. 

Ciyaartan oo taageereyaashu aad iskugu orinayeen (Qeylinayeen) waxay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar xirfadeedu sarayso oo raali-gelisay dadweynihii u soo daawasho tagay. 

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa labada xul waxay ku kala nasteen 12 dhibcood oo ay shaqaysteen gobolka Awdal, halka xulka Gabiley-na ay la yimaadeen 28 dhibcood. 

Qeybtii dambe ee ciyaarta oo aad uga kululayd qeybtii hore waxay ku dhammaatay Xulka Gabiley oo keensaday 40 dhibcood iyo xulka gobolka Awdal oo isna la yimid 19 dhibcood sidaasna waxa ku badiyay xulka gobolka Gabiley. 

Halkaana waxay guushii ku raacday Gobaka Gabiley.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: