05 June, 2013

Ma Maqli Jirteen: “Nimaan Aqoon Baa Waraabe Lax Ka Rita; Qormadii Boobe Yuusuf Ducaale




Dadka qaar baa saar baasi ku jiraa, iyaga ayaaba saxaafadda u yeedha iyaga oo is-leh magaca iyo maamuus ayaad ka heli doontaan. Nimaan aqoon ayaa saxaafad u yeedha. Waa dad aan ogeyn in ay Amiiraddii Diana u dhimatay saxaafad ay ka ordaysay. Bal ka warrama qofka saxaafad iyo shaashad doonanaya isaga oo aan kala garanayn in uu goolal dhashanayo, in uu cadawgiisa u dhalinayo iyo in uu isaguba iska dhalinayo.

Soo-saarista barnaamij idaacadeed iyo samaynta filim muuqaal ahi waa laba wax oo aad u kala duwan. Labaduba aqoon iyo khibrado gaar ahaaneed ayay u baahan yihiin. Sida ay ugu adag tahay filimyahanka in uu barnaamij idaacadeed sameeyo ayay idaacadyahankana ugu adag tahay in uu filim sameeyaa.

Iyo beri-samaadkii! Waayihii heesaaga rag iyo dumar kii uu noqdaba Guddida Qiimaaynta la soo marin jiray. Ma beryihii Radio Hargeysa qofka la qorayo lagu imtixaami jiray codkii qaraamiga ahaa ee ‘Beer-dillaacshe.’ Maantana qofkii doonaaba badka wuu ku soo dhacayaa. TV-yadii iyo shaashadahoodii ayaa sidaas oo kale noqday. Qaar aad mooddo in aabbahood hadda la dilay oo adeerkiina la dul dhigay oo qiirada gadhoodhsan ayaa kaaga soo baxaya shaashadda oo aan il-bidhiqsi indhaha iyo dareenkooda midnaba siinayn daawadaha. Weriyannimoy dabkaa ba’! tanina ma kuu danbaysay.

Waxa intaas oo dhanba ka daran sida aanay u sal-dhigin weriyayaashu. Caawa halkan ayay ka hadlayaan, habeenno kale mid kale ayay ka hadlayaan. Markaas ayaad dawakhaysaa. Illeyn mararka qaarkood uma baahnid in aad shaashadda eegto oo weriyaha ayaad ku sunatanaysaa. Show waa qof digo-rogtay.

Ma isku-dirka iyo fidmo abuurkaa! Waa TV-gii Qaran-ciil iyo barnaamaj aan la habayn oo ku saabsan madax-dhaqameed beesha dibadaha ka soo galay oo la duubay, la shuumay ama la boqrayba. Farxad iyo damaashaad…….caleemo-saarka…….caano-ku-shubka……khudbadaha. Dhabanno-hays ayay kugu noqonaysaa. Ka-rog oo haddana saar.

Waa TV-geennii kale ee Qormo-gube. Boqorkii/Garaadkii ama Suldaankii la duubayay warba kama hayn. Mar danbe ayaa weriyahoodii ku hambaberayaa col kale oo beesha ka tirsan oo Nayroobi shir-jaraa’id ku qabtay. Mise waxay deedafaynayaan madax-dhaqameedkan la duubay. Ku-ye: “Arrintaasi mid aanu u dhan nahay ma ahayn. Waa been iyo arrin aan sal iyo raad midnaba lahayn.” Dawakhaad iyo dayow. Carruurihii oo dadka waaweyn iyo waalidkood la daawnayay shaashadaha ayaa yaabaya, markaasay waalidkooda su’aasha ku boobayaan: “Kee ayaa run sheegaya?” bal adba maxaad odhan lahayd. Af kala qaad! Marar kale waa Qolo-raar, Qudhun-raac, ‘Qurum-qaram’ iyo wax aanad ka dhammaanayn. Qiimo-tirka wararka iyo barnaamajyadaba waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa TViiga Hadhka Qaranka. Kaaga-daranta maxaa kaa xumaan lahaa haddii uu hadh-qoodaal (dhan) noqon lahaa. Waa hadh-dacaar (teel-teel). Kolley Qaranka laguma sheegayn, waxa se loo badinayay in qof leeyahay ama qoysba. Qaar kalena waxaaba laga sheegayay Qurbaan-wadaag ayaa iska leh. Waxba ku dheeraan maayo e’, warka waa quluul, ama waa huluul. Ma Barnaamajyadaa! Waa qal-qalan ama waa ‘hal-halan’. Xayaysiiskaa! Waa qab-qaban aan qub-quban.

Intaa waa ay dhurmayaan hugmayaan…..hadrayaan. Tanna waa ay ka wada siman yihiin inta naxliga iyo naca beertaa. Waa TVii kale. Waa Qalin-raar. Waa ‘marfuucal qalam’. Xaaskayga, Mujaahid Faadumo-cawo oo I ag fadhiday ayaa yaabtay oo gacmihii dhabannada ku engegeen. Ku-ye: “Nimankani miyaanay hadalka ka daalin?” Waxay ku cel-celinayeen kow iyo labaatankii sannadood ee dagaallada sokeeye socdeen. Garo’ oo waxa laga soo bilaabayaa 1991kii. Haddana waa ay xanaaqayaan marka ay reer Somaliland yidhaahdaan dal gaar ah ayaanu nahay. Yaa dalka iyo dadka kala jaray? Dhagaxtuurkii Ardayda ee Hargeysa ma been baa? Xasuuqii ka dambeeyay ee aan Soomaali hore u soo marin ma been baa? Dayuuradihii Hargeysa ka kacay ee haddana duqeeyay ma been baa? Sow tii Ibraahin-gadhle yidhi:

“Durba miyaad illowdeen,

Madfacii la dirayee,

Orodoo dadweynaha,

Daydayo la odhan jiray,”



Durba miyaad illowdeen,

Waqti aan digaag hoyan,

Dadkeennii xeroon jiray,”



Waa nimanka u haysta in dalku kala go’ay 1991kii. Annaguna waxaanu aamminsan nahay in 1981kiiba aanay jirin Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo nidaamkii Siyaad Barre dalka kala jaray. Waayo? Tan iyo maalintaa gobollada woqooyi waxa ka talinayay Saraakiil millateri, halka gobollada kale ee Soomaaliya ay guddoomiyayaal gobol oo rayid ahi ka talinayeen. Tan iyo maalintaa gobolladani xukun-degdeg ah ayay ku hoos noolaayeen oo labada duhurnimo la hoydo, halka ay gobollada kale si’ caadiya uga noolaayeen.



Dagaalladii xoreyneed ee gobollada woqooyiga ka dhacay waa ay ka boodaan. Ka dib waxay u gudbaan ‘Leegadii’ (Xisbigii SYL) iyo halgankii dheeraa ee uu soo galay. Wax kale ma sheegaan. Wallaahi ayay ka tahay. Bal ka warrama dee taas oo habeen walba joogta.

Waa 6dii Bishii Maarj 2012kii oo aan habeennimo daawanayay TV London ka darnaa ama ka dhurmayay. Wiil yar ayaa wareysanayay laba oday oo kala ahaa Cali Boolaay iyo Cumar Altedsa (Altezza). Waxaan ka yaabay sheeko-baraley Cumar Altedsa marinayay.

Ku-ye Cabdillaahi Ciise oo ahaa Xoghayihii Guud ee SYL oo waqti 1948kii ku beegnaa u ambo-baxayay Qarammada Midoobay ayaa lagu yidhi isa soo tallaal. Waxa laga baqday in Talyaanigu irbad sun ah ku mudo. Ka dib waxa loo yeedhay nin ‘Muuro’ la odhan jiray oo ‘Leegada’ ka tirsanaa. Kii ayaa la muday oo laga dhigay Cabdillaahi Ciise. Bal waxa uu inaga dhaadhicinayo ee telefishannada ka sheegayo eega. Ma dawladdii Talyaaniga ayaan kala garanayn Cabdillaahi Ciise iyo ‘Muuro’? Bal beentaa rakhiiska ah daya. Sidaas ayaa lagu sameeyaa ‘geesiyaal’ been-been ah oo aan jirin.

Ma taas oo keliya ayaad moodaysaan. Khuraafaadkaa aan raadka lahayn waxa kale oo ka mid ah beri ay odhan jireen: Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo Soomaaliya Ra’iisal-wasaare ka ahaan jiray ayaa warqad lagu qaban lahaa oo sir ahayd liqay xilliyadii gumeysigii Talyaaniga, sidaa darteedna sambabbadii ayaa caddaaday oo ilaa maanta uu u liitaa. Innagu waxaynu garanaynaa wax kasta oo aynu liqnaa haddii ay hunguriga dhaafaan in ay caloosha tagaan oo ay dhex qaadaan xubnaha dheef-shiidka ee aadamaha. Waxaynu aamminsan nahay oo dhab ah in sambabbadu ku lug leeyihiin neefisiga. Laakiin iyagu ma si kale oo inaga duwan ayay u uumman yihiin oo wixii la cunaa marka hore sambabbada ayay sii maraan.

(La soco………………………….)




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: