02 June, 2013

“Xagla Toosiye Dadkii Uu Hurdada U Diiday Markii Uu SSC-da Ahaa Ayuu Maantana S/Land Ka Fogaynayaa, Beesha Widhwidhna Siyaasad Xumadiisa Shir Bay Ka Yeelanaysaa”



“Xagla Toosiye Dadkii Uu Hurdada U Diiday Markii Uu SSC-da Ahaa Ayuu Maantana S/Land Ka Fogaynayaa, Beesha Widhwidhna Siyaasad Xumadiisa Shir Bay Ka Yeelanaysaa”
Jaamac Dheeg Cartan


HAATUF

Hargeysa, June 2, 2013 (Haatuf) – Oday Jaamac Dheeg Cartan oo ka mid ah odayaasha degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle ayaa wasiirka dibu dajinta Xagla-toosiye ku eedeeyay xadhig ay ciidamada amaanku kula kaceen khamiistii todobaadkii hore, kaasoo tilmaamay in wasiir Xagla-toosiye uu ka gubtay waraysi uu wargeyska Haatuf siiyay oo uu kaga hadlayey raashin loogu talagalay deegaanada Buuhoodle uu sheegay in lagu rogay bakhaaro ku yaala magaalada Burco.Oday Dheeg Cartan oo sheegay habeenimadii Jimcuhu soo galayay in xabsiga laga soo daayay, oo wargeyka Haatuf shalay kula soo xidhidhay khadka tilifoonka isagoo jooga Oog, ayaa sidoo kale sheegay in wasiir Xagla-toosiye beeshooda deegaanka Widhwidh uu ka fogaynayo Somaliland, isla markaana ay shir ka yeelan doonaan.

Oday Dheeg isagoo ka hadlaya talaabada xabsiga loogu taxaabay waxa uu yidhi “Maalintii Khamiistii ayaa layga xidhay saldhiga bilayska Burco, kaas oo la ii soo sheegay in wasiir Xagla toosiyexadhigayga ka dambeeyay, taas oo uu ka gubtay markii aan ka hadlay raashinkii deegaanada Buuhoodle ee bakhaarada Burco lagu rogay, waxaananu u aragnaa in wasiir xagla toosiye shacabkii deegaanada Buuhoodle ee uu Somaliland ka fogaynayay xilligii uu ahaa jabhadii SSC uu maantana wasiirka loo magacaabaydartii uu doonayo gaar ahaan beesha Widhwidh oo iyadu shirki gogosha nabada dhigtay inuu Somaliland ka fogeeyo, sidaa darteed shir baanu ka yeelan doonaa siyaasad xumada uu wado wasiir Xagla Toosiye”






HAATUF





http://samotalis.blogspot.com/

No comments: