28 June, 2013

Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada AGABAR

Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Degmada AGABAR

Wefti aad u balaadhan oo uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan............


Wefti miisaan culus oo uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa maanta dadweynaha reer AGABAR ku soo dhaweeyeen caleemo-qoyan, sacab iyo mashxarad, iyaga oo u sii galbiyey keyn dhireed jiq ah oo casuumad-qaddo sharafa loogu sameeyey weftiga.
Weftigan uu hogaaminayey Suldaanka guud ee Subeer-awal ayaa waxay u-jeedada socdaalkiisu ahayd sidii uu u soo sahamin lahaa goobta loo asteeyey inuu ku qabsoomo shirweynaha beelaha SACAD MUUSE ee HOODAALE oo qaban-qaabadiisa si weyn loo dareemayey guddo iyo dibadba, 
Cali Cabdilaahi Jaamac oo ka mid ah odayaasha degmada AGABAR ayaa sheegay inay weftiga ku soo dhaweynayaan gacmo furan, waxaanu yidhi “Waxaanu si aad iyo aad ah u soo dhaweynaynaa weftiga baaldhan ee uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Cuqaasha, Aqoonyahanka, Xildhibaanada,waxaanan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan annaga oo aad iyo aad ugu xiisa qabnay shirweyne SACAD MUUSE oo la qabto,aanu aad ugu jeelanayn”. 

Guddoomiyaha degmada AGABAR Cali Yuusuf Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan degmada AGABAR ku soo dhaweynayaa Weftiga uu horkacayo Suldaanka Guud ee Subeer-awal, waxaan Suldaan kugu soo dhaweynaynaa gacmo iyo qalbi furan, annaga oo aad ugu faraxsan gogosha aanu u fidinay shirweynaha Beel-weynta SACAD MUUSE,Waxay in muddo ahba ka wada shaqeynayeen odayaasha deegaanka iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beesha SACAD MUUSE ee degmada AGABAR lagu qabanayo”. 

Marwo Foosiya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay u mahad-celisay dhamaanba Suldaanka guud ee Subeer-awal, Ugaaska, Cuqaasha iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha beesha SACAD MUUSE ee dhawaan ka dhici doona degmada-tan AGABAR. “Suldaanka Guud ee Subeer-awal waxaanu leenahay ku soo dhawoow gacmo furan, waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu shirkani noqdo mid la innaga aqbalo oo inoo qabsooma”.Ayey tidhi Foosiya. 


Caaqil Cabdiraxmaan Cabdilaahi Barkhad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Annagu waxaanu ku nimid baaqii Salaadiintu ku baaqday, waxaan leeyahay qolloda Salaadiinta ee meesha gaarka ah fadhida, wixii ay dadka ugu baaqeen inay meel mariyaan ayaa looga baahan-yahay,maaha inay daaha dabadiisa fadhiistaan., Shirkanina maaha mid wax u dhimaya xukuumadda ee waa mid ay reerku danihiisa kaga tashanayaan, Salaadiintuna inay Siyaasiyiin noqdaan maaha.” 

Xildhibaan Ibraahim Axmed Xasan oo ka mida ah mudanayaasha Golaha deegaanka Gobolka Gabiley oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “SACAD MUUSE ninkaan ahayn ee iska saaraya isaga ayaa cirka roob ku og, annagu shirkaas ayaanu taageersanahay,cid aanu wax u dhimaynaana ma jirto, dawladna lagu xumeyn mayo, beel kalena lagu xumayn maayo,laakin shirkayaga cidna fasax uga qaadan-mayno”. 
Chief Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xoore oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu idinka gudoonay reer AGABAROOW soo dhaweynta aad sida heerka sare ah noo soo dhaweyseen. Weftigan uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdilaahi u-jeedadiisu waxa weeyaan inuu soo eego, goobta uu SACAD MUUSE uu ku shiri doono oo aanu annaguna sahankeedi ku garab-taaganahay, SACAD-MUUSE kale oo hadhay oo meel kale joogaana ma jiro, SACAD MUUS-aha uu isagu (Suldaanku) hogaaminayo ayuunba Sacad Muuse ah, Subeer-awalka uu isagu hogaaminayo ayuunba Subeer-awala. 

Afhayeenka guddida qaban-qaabada Shirweynaha Beel-weynta SACAD MUUSE Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Soo dhaweyntan aad sida weyn noo soo dhaweyseen aad ayaan ugu faraxnay waad ku mahadsan tihiin,warkiinu hore ayuu noogu yimid, sida aad Weftigii naga horeeyey u soo dhaweyseen reer AGABAROOW waad ku mahadsan tihiin,haddii maanta AGABAR shir SACAD MUUSE ah lagu qabanayo waa ILAAHAY mahaddii,nasiib ayaad u hesheen in shirkii ugu horeeyey ee la hadal-hayn jirey ee la sugaayey uu halkan ka dhaco. 

Ugaaska SACAD MUUSE Ugaas Ibraahim oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Weftiga uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Subeer-awal ee aan halkan gogol xaadhka ugu sameynay way ku mahadsan yihiin sida ay noo soo sharfeen ee ay noogu yimaadeen marti-qaadka shirweynaha SACAD MUUSE ee dhawaan qabsoomi doona. Beesha reer AGABAR oo aad iyo aad u shaqeysay oo na soo dhaweysay aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin”. 


Wannaga aanu halkan ka doonaynana AGABAR ayaa ka kow ah, weli hawshu inagamay dhamaan hadaynu nahay reer AGABAR oo way inoo hadhsan tahay, maanta waa sahan uun”.Ayuu yidhi Ugaasku. 

Suldaanka guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Beesha reer AGABAR rag iyo haween-ba, odayaal iyo dhalinyaraba, iyo guddida qaban-qaabada Shirweynaha HOODAALE, Cuqaasha, Chief caaqilada, Ugaaska beesha reer Agabar waxaan idinku salaamaya Asalaamu Caleykum wa raxmatulaahi wa barakaatu aad iyo aad ayaan idinka mahadnaqayaa, farxad-weyna way ii tahay inaan maanta soo gaadho degmadeydii AGABAR, sida qiimaha leh ee aad noo soo dhaweyseen ee aad bacadka noogu tunaydeen waanan u duceynayaa degmada AGABAR iyo dadka ku noolba. 

Waxaad leedihiin sharaf weyn, ILAAHAY ayaa idinla damcay in shirweynihii beelaha SACAD MUUSE in halkan lagu qabto, degmadani waa degmo taariikhiya oo ay fac-weyn tahay waa degmo aynu ku xasuusan karno halgankii dalkan lagu xorreeyey, ALLE ha u naxariiste waxaynu ku xasuusanayaa Mujaahidkii Raage Bidaar marka xadkan la soo galo, Insha Allaahu taallooyin lagu xasuusto ayeynu halkan uga sameyn doona mujaahidiintii dalka u soo halgamay ee uu ugu horeeyo Marxuum Mujaahid Raage Bidaar. 

Suldaan Xasan waxa uu reer Agabar uga mahad-celiyey sida ay uga sii shaqeynayeen goobta uu ku qabsoomi doono Shirka HOODAALE, “Sida hagar la’aanta ah, toll-jaceylka ah ee aad hawsha u qabateen, deegaanka iyo dadka reer AGABAR duco-weyn ayaan u sidaa.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: