28 June, 2013

Mudaneyaasha Baarlamaanka Ee Hungurigu Ka Hayay Golaha Wasiirada Oo Talaabadii Wasiir Duur Xilka Lagaga Qaaday U Quus Goysay

Mudaneyaasha Baarlamaanka Ee Hungurigu Ka Hayay Golaha Wasiirada Oo Talaabadii Wasiir Duur Xilka Lagaga Qaaday U Quus Goysay


Hargeysa, June 28, 2013 (Haatuf) - Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada oo u badan xildhibaanada Xisbul xaakimka Kulmiye oo muddooyinkan u dambeeyay loolan ugu jiray in xilal Wasiirnimo Madaxwayne Siilaanyo uga magacaabo golihiisa Xukuumadda, kuwaas sii hiyi kacay markii Madaxwaynuhu xilal Wasiirnimo u magacaabay guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha Wakiilada oo haatan ah wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Ex. Xildhibaan Maxamed Nuur Carrale Duur oo isagana loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa markii xilalkaa loo Wasiirnimo loo dhiibay kuraasidoodii iyo xubinimadii golaha Wakiilada si rasmiya iskaga Casilay. Xildhibaanada suudhka iyo tayga u xidhnaa inay ka mid noqdaan golaha wasiirada ayaa damacoodii wasiirnimo ay u quus goysay talaabada xilka lagaga eryay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carrale (Duur) oo golohooda wakiilada ka tirsanaan jiray, kuwaas oo u arkayay maadaama kursigiisi Baarlamaanka uu iskaga casilay xilka wasiirnimo ee loo magacaabay inuu ku cimridherersandoono golaha Wasiirada hase yeeshe xubnaha goloha Wakiilada ee hunguraynayay inay ka mid noqdaan golaha xukuumadda ayaa talaabadan uu Madaxwayne Siilaanyo xilka kaga qaaday Mr. Duur ay u noqotay cashar ay ku cimra qaataan kuwaas oo qaarkood sheegeen in kuraasidooda ay xejisan doonaan wixii imika ka dambeeya. Mudane ka tirsan xubnaha Golaha Wakiilada ee xilka wasiirnimo hunguraynayay oo magiciisa ka cudurdaartay in la shaaciyo oo wargayska Haatuf wax ka waydiiyay in wax iska badaleen damaciisii uu ku doonayay in golaha Wasiirada xil looga magacaabo ayaa isagu sheegay in talaabadan xilka lagaga qaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carrale (Duur) ay golahooda Wakiilada iyo xubnahoodii hunguraynayay xilka wasiirnimo ay u noqotay tusaale ay ku cimra qaatan wixii imika ka danbeeyana ay kuraasidooda xejisan doonaan isagoo arrimahaa ka hadalayana wax uu yidhi “Runtii xildhibaanno badan oo aan ka mid ahay ayaa hunguri kaga jiray in xil wasiirnimo looga magacaabo golaha xukuumadda diyaarna u ahaa in kuraasidayada aanu iska casilno haddii madaxwaynuhu xil noo magacaabo balse waxaa noo quus goysay tallaabada xilka lagaga qaaday saaxiibkayagii Duur oo aanu u arkaynay in muddo dheer uu ka sii tirsanaandoono golaha wasiirrada maadaama uu kursigiisii baarlamaanka wasiirnimada ku doorsaday sidaa darteed waxaanu ogaanay in magacaabista wasiirnimadu tahay Bil saddex oo marka ladoonana lagaa qaadi karo balse kursigayaga Baarlamaanku waa mid ku yimaada doorasho laguna waayi karo cod shacbi”.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: