17 June, 2013

Nin Somaliya Oo Midi la dhacay Afar Qof Oo Mid Ahaa Askari.

Nin Somaliya Oo Midi la dhacay Afar Qof Oo Mid Ahaa Askari.

Ninkan Somaliga ah ayaa dadkan dhawaca ku gaadhsiiyay gudaha masaajid ku yaala magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.
Ninkaan Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin laakiinse ay booliisku ku sheegeen 32 sano jir ahaana nin u muuqdo inuu yahay Soomaali ayaa waxaa la sheegay inuu soo galay masaajid lagu magacaabo Madrassa Qasim-ul-Uloom oo ku yaala magaalada Birmingham ka dibna uu midi weyn kala dhex kacay dadkii masaajidkaas ku cibaadaysanaayey isagoona halkaas ku dhaawacay ilaa iyo 3 qof oo ku jirey masaajidka, ka dibna waxaa halkaas soo gaadhey booliiska oo la gaadhsiiyey fariinta iyadoona ay booliisku ninkaasi ku qabteen korontada dadka lagu shokgareeya laakiinse ay ninkaasi waxba ka tari wayday ka dibna uu askarigii booliiska ahaana uu isagana tooreey la dhacay dhaawcna ka gaadhsiiyay xabadka iyo caloosha, Laakiin booliiska ayay waxay ugu dambeyn ku guulaysteen inay ninkaasi qabtaan oo ay xabsiga dhigaan. 

 

Ugu dambeyntiina iyadoo dhab ahaantii ay kala cadayn sababta uu ninkaasi u sameeyey falkaas ayaa Dr Arshad Mahmood oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa masaajidkaas markii uu shilkaas dhacaayey ayaa waxaa uu sheegay inuu ninkaas mindi ku bilaabay nin dhinac fadhiyey ka dibna ay dadkii isku dayeen inay ka qabtaan laakiin uu ninkaasi mididii la dhacay dadkii kale iyadoona uu xitaa sidoo kale uu booliiskiina la dhacay mindida, Qaar ka mid ah muslimiinta magaaladaasi ayaa arintaan waxay ku tilmaameen arin naxdin leh islamarkaana ah wax ku cusub masaajidkooda, Sidoo kale ayaa booliisku waxay meesha ka saareen inuu shilkani ahayn mid la xidhiidhi karo arimo ku saabsan cunsurinimo iyo wax la mida. 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: