06 June, 2013

Madaxweynaha oo caawa ka qaybgalay Tartanka Baaskidka ee Gobolada




waxa iyana intaasi dheer oo xusideeda leh in madaxweynuhu aanu wadan haba yaraatee wax Ciidan ah ama Ciidanka gaarka ah ee Ilaaladiisa sidoo kalena aanu wadan Wax Baabuur Tikniko balse uu watay uun Madaxweynuhu baabuurta Shicibka oo ka kooban saddex baabuur oo keliya 





Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa caawa Fiidkii ka qayb galay Tartaranka Kubada Kolayga ee Gobolada kana Socda Garoonka Tima-cade Halkaas oo uu madaxweynuhu ku daawaday Labada koox ee Caawa Kulanka ciyaareed dhexmaraayey oo ka kala socday Gobolada Maroodi-jeex iyo Sanaag.
Ka qaybgalka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee caawa uu ku tegay Garoonka Timacade waxa ay noqoto mid taariikhi ah waana markii ugu horaysay ee Madaxweyne Somaliland ahi uu fadhiiskto soona daawado garoonka Kubada Baaskidka ee Timacade.


waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Caawa daawashada Cayaarta Marwada Koowaad ee Madaxeynaha, Wasiirka Dhalin yarada, Cayaaraha , Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Kaluumaysiga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL, Procol ka Madaxweynaha iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

Ka dib ciyaartiina waxa uu madaxweynuhu ku soo laabtay Qasriga Madaxtooyada JSL



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: