13 June, 2013

jsl: 491 maxbuus ooku xidhnaa xabsiyada dalka oo cafis loo fidiyey.

jsl: 491 maxbuus ooku xidhnaa xabsiyada dalka oo cafis loo fidiyey.

Madaxweynaha JSL ayaa cafis u fidiyay 491 maxbuus oo ku xidhan xabsiyadda dalka, sida uu shaaca ka qaaday madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada dalka.

Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay 491 maxbuus oo ku xidhan xabsiyadda dalka, sida uu shaaca ka qaaday Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada Md. C/raxmaan Axmed Maxamuud.

Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada JSL Md. C/raxmaan Axmed Maxamuud oo shalay wareysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan, waxa uu sheegay in maxaabiista ay sii daayeen ay shuruudoodu waafaqsan tahay sida uu tilmaamayo xeerka cafiska madaxwaynuhu. Waxaanu yidhi, “Waxaanu fulinay saaka (shalay) digreetadii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu cafis ugu fidiyay 491 maxbuus oo ku kala jiray 13 xabsi oo ka mid ah xabsiyada dalka JSL. Xabsiga Hargeysa, Xabsiga Mandheera, Xabsiga Gabiley, Xabsiga Boorame, Xabsiga Burco, Xabsiga Berbera, Xabsiga Caynabo, Xabsiga Garadag, Xabsiga Ceel Afweyn, Xabsiga Dhahar, Xabsiga Laascaanood, Xabsiga Baligubadle iyo Xabsiga Ceerigaabo”.

MD. C/raxmaan Axmed Maxamuud Madaxa hogaanka hawlaha xabsiyada JSL, waxa uu intaasi raaciyay, “13kaas xabsi waxa laga sii daayay guud ahaan 491 maxbuus oo waafaqay shuruudaha uu cafisku tilmaamayo ama waafaqsan yahay xeerka cafiska Madaxweynaha, waxaan saaka oodda laga qaaday 491 maxbuus oo ka faa’iidaysta cafiskaasi uu Madaxweynaha JSL u fidiyay maxaabiistaas oo ku saabsanaa munaasibadii 22 guuradii madaxbannaanida JSL ee 18ka May 2013.

Dhammaan maxaabiistan ayaa ahaa maxaabiistii galay danbiyada yar-yar ee xadhigoodii uu ka hooseeyo laba sano”. Ayuu yidhi C/raxmaan Axmed Maxamuud.
SL Media

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: