10 June, 2013

Haatufka Maanta

Haatufka Maanta

Mudo laba sanadood hadda laga joogo ayaanu wasaarada arrimaha gudaha iyo wasiirkan qorshaynta ee UN-ka ka baqa ugu baaqnay inay wax ka qabtaan labada hay’adood ee DRC iyo DDG ee gudiyaasha nabadgalyada ka dhex samaysanaya deegaamada Somaliland ee waliba macdanta iyo aasaarta ka guranaya, waxay ka bilaabeen Oodweyne maantana waxay marayaan Ceel-afweyn oo dadkii halkaas ku noolaa intay madaxa iskugu dhufteen ay hadda odayaashii deegaankaasi qaylo dhaan ka soo direen dhibaatada ay hay’adahaas samafalka sheeganayaa dadka ka dhex wadaan. 
Waxaynu ognahay in DRC ay kafaalo qaaday Miisaaniyada Idaacada Afsomaliga ku hadasha ee loo samaystay faafinta borobogaandho ku lidi ah Somaliland ee UN-ku dhawaan ka furay Nairobi taas oo loo bixiyey magaca Maansadii Gaariye ee caanka ahayd ee Ergo ee uu abwaanku ku awaalay imtixaanada ku habsan doona Somalia, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ciidamo shisheeye iyo kooxo xagjir ah oo qabsada, waana kii yidhi:
 “Ayaanbaa Iman doonta dhulkay Eero ku foofto Afrikaan madmadow iyo Ajnabaa dagi doona…..Ayaanbaa iman doonta mujrim oogo madow oo Islaam sheeganaya agablaay hambadaada isa sii kaba raacsha.”

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: