Dawlad Masuul Ah Oo Dadka Matasha Q2
By
Ahmed Arwo
Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu. Waa qormadii labaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la’aan u qaadanay.
Nidaamkii islaamka ee Rasuulkeena SCWS iyo khulafadu dhagax-dhigeen waxuu ku dhisnaa talo-wadaag , hogaanka la doorto ee aanu ahayn mid dhaxaltooyo.
Waxuuna fure u ahaa dimuquraadiyadda dhabta ah. Waxuu wiiqmay kolkii loo bedelay nidaam boqortooyo oo qoys keli ku noqday awoodii dawladnimo. Anigoo marar kale soo booqan doono dibu dhaca horumar dawladeedka ee Islaamka oo talo boobku udub-dhexaad ka tahay, waxaan manta eegi doonaa sifaha dimuquraadiyadda iyo bilowgii ay dalkan Britan ay soo martay. Waxayna ay iftiimin doontaa hawlo badan oo loo soo maray iyo habka looga baxay, iyadoo ay mar walba hogganka u haysay halganka iyo foojignaanta dadweynaha oo xaqooda hadh iyo habeen u soo jeeday, diiday duudsiga oo doortay caddaalad iyo horumar. Kolna fikradda talo-wadaag kamay iman inta talada haysay, kamay iman dhul-qabeenkii shaqaalaha ula dhaqmi jiray sida addoonta, kamay iman boqor iyo amiir dagaal, kamay iman dilaal siyaasadda ku qabaanta.
Nidaamka loo yaqaan dimuquraadiyadda furan (Liberal democracy) waxa lala xidhiidhiyaa hab-maamul siyaasadeed oo ku soo biyo shubta dhismo dawladnimo oo ay hageyso mas’uuliyad iyo talo wadaag. Waxa taasi lid ku tahay nidaamka keli-taliska oo ku salaysan awood sheegad iyo maquunin. Waxa nidaamkan cadaaladda ka durugsan ka mid ah nidaamka askarinimo oo ku yimaadda inqilaab, boqortooyo aan sharci xakamayn, dalaka shuuciga ah ee talada xisbi keliye hayo. Waxa iyana soo raacda nidaamada Afrika iyo Carabta ee dimuquraadiga sheegta bal se aan marna diyaar u ahayn in dawladda doorasho sharci ah lagaga badiyo. Waxa mataal loo qaadan karaa Masar oo marwalba doorasho ka dhacdo, bal se ka fog mid ku socota nidaam dimuquraadi ah.
Innagoo maqaalkan isku dayi doono inaan dib u jaleecno kufka iyo guclada lagu hanatay in la helo dawlad masuul ah oo dadka matasha, maantana aynu isku koobi doono guud mar ku kooban Habka Matalaada amba Wakiilnimada ay dalkan Britan soo martay, aynu sadaro gaaban ku sheegno taariikho muhiim ah oo dalkani soo maray oon dhaafsanayn odhaah mawduuca inoo furta. Waayo waa mawduuc mug weyn oo shahaadadu sare lagu qaato, umana jeedno inaan isu dhigno taariikhda Britan bal se waa mid aynu wax kala baxayno, si aan dimuquraadiyadeena curdinka ah daawo uga doono siday bilowgii ku dabiibeen.
Dalka Ingiriiska (England), ayaa ah dalkii ugu horeeyey ee barlamaan la doorto laga hirgeliyey sanadkii 1265, waxaana taasi dabo socotay nidaam gole guurti oo la taliyaal ahaa oo uu la yimid boqorkii William of Normandy 1066. Waxa 1535-42 la qabsaday Wales oo toos loogu daray England. Xiliyadaas waxa jiray boqortooyo gooni ah oo ka jirtay Scotland iyo mid kale oo ka jirtay isku jirka jasiiradda Ireland. 1701 waxa israacay England iyo Scotland, baarlamankoodana waxa lagu mideeyey axdigii israaca ee 1707 (Act of Union). Taas waxa ka dhashay barlamanka loo yaqaanay Barlamanka Britanka Weyn amba (Great Britain Parliament). Waxa xigtay in Ireland iyana soo raacday Britan sanadkii 1801 oo la unkay barlamaanka loo yaqaanay Barlamanka Boqaortooyada Midowday (United Kingdom Parlaiament) Kolka ay Ireland xoriyad qaadatay sanadkii 1922, waxa ka hadhay Gobalka Waqooyiga oo u badan dad Britan ka soo jeeda oon Kaatoli ahayn (Catholic), waxa dhashay Barlamanka manta jira oo sanadkii 1927 loo bixiyey Barlamanka Boqortooyada Midowday ee Britanta Weyne iyo Waqooyiga Ireland. (Parliament of United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland} .
Matalaadda amba Wakiilnimada
Waxa cabasho dadweynahu qarniyo kaga cabanayeen iyo halgankii ay soo mareen halkan ku soo qaadimeyno. Waxaa se aynu eegeynaa bal sida taxadurka leh ee ay uga doodeen uguna xal raadiyeen bal siday ku soo xulayaan cid matasha oo Gole barlamaan ugu noqota. Waxa dooda ugu horeysaa ahayd inaan marna la dhisin nidaam awoodda dalku qof keliya ku soo uruurto. Waxa taasi keentay inaan amuurtu noqon in boqorka amba madaxweyne keliya la doorto, ee ay tahay in la helo tiro macquul ah oo degaanada iyo bulsho weynta matasha oo awoodda xukunka badh boqorka ka qaada, weliba u dejisa xeer ay ku xakameeyaan. Waxa meesha socday dood cilmiyeed ay horseed ka yihiin jaamacadaha iyo saxaafaddu oo lagu bandhigaayo baahida loo qabo iyo habka ay ku shaqaynayaan.
Garashada ah inaan awodda ruux keliya lagu miisin, ayaa ah tan ay ka dhalatay kala xadeynta awoodaha dawladda ee xadka loo kala xayday hawlaha Golaha Fulinta oo xiligaas boqortooyada ahaa, Golaha Sharcidejinta iyo Golaha Garsoorka.
Waxaa se hawsha kala xadeynta loo xil saaray Golaha Wakiilada, iyadoon dalkan Britan lahayn distoor gooni ka ah sharciyada ay dejiyaan Wakiiladu. Taasi waxay ahmiyad gaara siisay Golaha Wakiilada (House of Commons) iyo kan Guurtiga (House of Lords) oo bilowgii awoodda sharci dejinta qayb ka ahaa.
Waxa doodu fadhiisatay sida loo helaayo sawir bulshadu dhammaan iska dhex aragto oo lagu unko gole barlamaan. Kolkii leysla gartay in gobaladu ka dhex muuqdaan, ayaa waxa meesha soo gashay in arrintaas ay ka faa’ideysteen maal qabeenkii iyo dhul qabeenkii iyo amiiradii dagaalka (knights). Taas oo muddo yarba ay ka biyo diideen bulsho weyntii u badneyd xoogsatada. Waxa bilaabmay mudahaarado ay ka shiidaal qaateen dhaqdhaqaaqii Maraykanku xoriyadda iyo dimuquraadiyada ku doonaayey, iyo kacdoonkii ka socday Farnce ,Italy iyo Yurubta kale bilowgii qarniga 18naad.
Waxa taasi dhalisay in la helo sifo baarlamanku ka koobnaado cid matasha xoogsatada iyo beeraleyda oo gaar loogu daayo xulashadoodo. Sidoo kale ayaa loo qaybiyey qaybaha shaqooyinka kale sida ganacsiga, karaaniyaasha, macalamiinta iyadoo fiiro gaar ah lagu eegay jaamacadaha, aqoonyahanada iyo qorayaasha iyo saxaafadda.
Si loo sabaaleeyo awoodda boqortooyada iyo taageerayaashoodu ay luminayaan, waxa loo gartay in la sameeyo laba Gole mid ah kan Guurtida ( House of Lords) iyo kan dadweynahu doortaan (House of Commons), iyadoo awoodda Golaha Guurtida lala dabo taagnaa in marwalba la yareeyo ilaa ay noqdeen dar aan go,aan lahayn, bal se ku kooban talo bixin iyo inay Golaha Wakiilada ku celiyaan sharciyo sixid iyo dib u eegid u baahan, laakiin isma hortaagi karaan mar labaad haddii Wakiiladu sharciga u foodaan. Waxa isla markiiba laga saaray in awoodda miisaaniyadda iyo arrimaha lacagta laga xauubiyo Guurtida oo is hortaagtay miisaaniyaddii 1912 oo lagu kordhinaayey cashuurta dhulka iyagoo guurtidu u badnayd Dhul-qabayaal. Waxayna taasi horseed u noqotay sharciyo badan oo awoodda Guurtida soo gaabiyey.
Waxa iyana doodu ka taagnayd sida Wakiiladu hawshooda u fulinayaan. Ma waxay noqdaan sida garyaqaanada iyo safiirada oo si toos ah uga amar qaata cidda ay matalayaan, mise waxay noqdaan dar danta guud ee dalka u darban. Waxa qoraalo tiro badan laga qoray arrintan. Lama iloobi karo kaalinta uu arrintan ka qaatay mufakirka iyo qoraaga weyne ee Mr. Algermon Sidney oo naftiisa ku waayey halganka uu u soo galay xorriyadda qofka iyo nidaamka dimuquraadiga ah, isagoo kurka laga jaray sandkii 1692. Waxa la yaab leh in lix sano ka dib 1698 la daabacay buugiisa caanka ah ee (Discourses Concerning Government). Taana waxa dhaliyey inaan marna halgankiisu is taagin ilaa laga midho dhaliyey geeridiisa dabadeed. Waxuu Sidney tilmaam dheer ka bixiyey baahida loo qabo madaxbanaanida wakiilka si loo helo barlamaan danta guud ka hawl gala. Ma aha in talo kasta oo uu gaadhaayo ay hadhayso baqdin uu ka baqaayo cidda la xisaabtami doonta oo noqonaysa qabiil, xisbi amba koox, iyagoon sugeyn muddada uu xilka hayo.
Sidaas darteed waxay ku biyo cabtay in Wakiilka loo daayo xoriyadda uu maankiisa la kaashado waxuu u arako danta guud, waayo sharciyada ay soo gudbiyaan, kuma koobna cidda dooratay. Waa se inay ka war hayaan dareenka cidda ay matalayaan oo ay la wadaagaan warbixin iyo talo-qaadasho. Marna se laguma leh la xisaabtan dhaafsiisan cabasho, eedeyn, canbaareen iyo u bogid loo mariyo warbaahinta, inta ay xilka hayaan. Waxa se xisaabtu imanaysaa kolka doorasho soo gasho, oo taladu mar labaad si toos ah ugu soo noqoto gacanta shacbiga. Wakiilka loo bogaana noqdo mid dib loo doorto, kan laga biyo diidaana la tuso albaabka furan.
Ciddii awoodda shacbiga sida xooga badan u aaminsanayd waxay soo jeediyeen in Golahu noqdo mid cimrigiisu dhaafsanayn sanad, si la xisaabtanka shacbigu noqdo mid mar walba maskaxda wakiilka ka bixin. Sidoo kale waxa la yidhi ha noqdaan dar aan lacag qaadan. Waxa laga baqay in dawladdu noqoto mid lacag bixinta ku laaluushta wakiilada. Tani waxay keentay in barlamaanka ay galaan rag ay ka dhab tahay inay dejiyaan sharci ummadda dhaqa qarniyo badan, oon cidna u habran, cidna ka aar goosan.Bilowgii barlamaan waxuu ku bilaabmay sidaas.
Waxa habka matalaadda iyana loo soo maray nidaamo kala duwan oo la xidhiidha sida loo helaayo codbixin bulshadu ku dhantay kuna kalsoontay. Hawl yari laguma helin nidaamka HAL COD IYO HAL QOF ( One man one vote). Waayo taas lafteeda ayaan loo arkeyn inay xiligii kala guurka ku habbooneed dhisme qaran u hayaamay dimuquraadiyadda furan. Aaan qalinka ku joojo qodobkan oo aynu maqaalka kan xiga ku eegi doono. Nidaamka hal cod iyo hal qof waxuu u baahanyahay in bulshadu leedahay aqoon ay ku qiimeyso cidda tartameysa iyo barnaamajyada ay la yimaadaan. Waana mid dariiq dheer iyo sifooyin kala duwan loo soo maray. Noocyo kale duwan ayeyna eegi oo la soo maray.
Waa inoo maqaal kale iyo fakir aan idinla wadaago Insha Allah.
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha,Ganacsiga,
iyo Maalgashiga
https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn
Hargeysa
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment