21 June, 2013

Ciidamada Booliska Ee Boorama Oo Xidhay 8 Oday Oo Lala Xidhiidhinayo Dilkii Ka Dhacay Deegaanka Xariiad.

Ciidamada Booliska Ee Boorama Oo Xidhay 8 Oday Oo Lala Xidhiidhinayo Dilkii Ka Dhacay Deegaanka Xariiad.
Saraakiisha amnigu waxa ay ka gaabsadeen in arintan ay ka bixiyaan wax faahfaahin ah, balse dadka indhaha ku haya xiisada ....

Boorama (GNS)- Ciidaamada Booliska ee Magaalada Boorama ayaa wada hawlagalo ay ku beegsanayaan kuna qaqabanayaan odayaasha dhaqanka ee beelaha degaanka Xariirad, kuwaasi oo ay ilaa hada ka qaqabteen gudaha Boorama laba oday dhaqameed iyo aqoonyahan, waxana Odayaashan hada ku jira xabsiga dhexe ee Boorama oo ay tiradoodu dhan tahay sideed oday iyo aqoonyahano ay kala yihiin: 

1. Caaqil Maxamed Samaale Bahdoon (Laga Xidhay Boorama) 
2. Caaqil Jibriil Saciid (Laga Xidhay Boorama) 
3. Aqoonyahan Maxamed Cilmi Faarax, Cidlokawareer, (Laga Xidhay Boorama) 
4. Caaqil Maygaag Daahir Bucul (Laga soo xidhayXariirad) 
5. Caaqil Bashiir Daahir Hanfi (Laga soo xidhay Xariirad) 
6. Caaqil Cali Cumar Raage (Laga soo xidhay Xariirad) 
7. Caaqil Cismaan Cabi Muuse (Laga soo xidhay Xariirad) 
8. Caaqil Cadoosh Bile Cabilaahi (Laga soo xidhay Xariirad) 

Sidana waxa shabakada u xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelada odayaashan. 

Saraakiisha amnigu waxa ay ka gaabsadeen in arintan ay ka bixiyaan wax faahfaahin ah, balse dadka indhaha ku haya xiisada ka aloosan Xariirad ayaa waxa ay qaqabashada xukuumada ee odayaashan ku xidhiidhinayaan dilkii dhawaan ka dhacay magaalada Xariirad, taasi oo lagu dilay nin ka soo jeeda beesha Ciise. 

Inkasta oo dilka ninkii ugu dambeeyay ee Xariirad lagu dilay aanay jirin cid sheegatay masuuliyadiisa, hadana xaalka degaankaasi Xariirad ayaa ah mid degen,walow aanay jirin nabadgalyo la mid ah tii ka jiri jirtay shaqaaqadan ka hor, lamana saadaalin karo in mar kale amaanku faraha ka baxo iyo inkale, inkasta oo ay xusid mudan tahay in ay halkaasi ku sugan yihiin boqolaal ciidamada milatariga ah oo ay xukuumadu halkaasi gaysay. 

Sidoo kale waxa ay dadka arintan Xariirad u kuurgalaa saadaalinayaan in hadii dilkan u dambeeyay ee Xariirad ka dhacay uu salka ku hayo aanooyinkii hore in xadhiga odayaashan degaanka Xariirad-na uu noqon doono mid lagu qaboojinayo xiisada iyo beeshii dilkan loo gaystay, isla markaana ay xukuumadu damacsan tahay inuu mag dhaw u noqdo xadhig qaatay mudo 80 maalmood ah oo ay odayaasha beesha Ciise ugu xidhnaayen tan oo kale jeelka dhexe ee Boorama. 

Gabiley News Desk 
Contactgabiley@yahoo.com 
Booorama Office

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: