04 June, 2013

Cajalad tafsirka quraanka karinmka oo maqal iyo muuqaal ah oo dadka ku hadlay luqada Afka Somaliga uu uu hibeeyey Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Cajalad tafsirka quraanka karinmka oo maqal iyo muuqaal ah oo dadka ku hadlay luqada Afka Somaliga uu uu hibeeyey Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Tafsiirka quraanka Maqal iyo Muuqaal (13).jpgTafsiirka quraanka Maqal iyo Muuqaal (19).jpgTafsiirka quraanka Maqal iyo Muuqaal (20).jpgTafsiirka quraanka Maqal iyo Muuqaal (18).jpg

Munaasabad lagu soo bandhigayay Tafsiirka Quraanka kariimka oo si maqal iyo muuqaal ah uu duubay waqti badana uu ku Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadaas wasiirka Garsoorka, Cadaalada iyo Owqaafta ee xukuumada Somalia C/llaahi Abyan Nuur, gudoomiyaha heyadda culuma’udiinka Soomaliyed Shiikh Bashiir Axmed Salaad iyo mashaa’ikh magac weyn ku leh bulshada Soomaaliyed.

Duubida Tafsiirka Quraanka kariimka ah ayaa waxaaa iska kaashaday Markazka Al-Wasadiyah Wal-xiwaara iyo hayadda Horn Connect Broad-casting ayaa waxaa duubistiisa la bilaabay 16-kii bishii May 2012 iyadoo la soo gabagabeeyay 29-May bishii la soo dhaafay.

Gudoomiye ku-xigeenka heyadda culumada Soomaaliyed Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo munasabadaasi ka hadlay ayaa sharaxay mudada uu bilaabay duubista tafsiirka quraanka kariimka iyo inta cashir uu ka kooban yahay, isagoo sheegay in mudo hal sano ku dhow uu duubayay tafsiirkan.

Gudoomiyaha heyadda culuma’udiinka Soomaliyed Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ka waramaya fadliga uu leeyahay Quraanka kariimka iyo in la fahmo tafsiirkiisa iyo macaanidiisa, isla markaana loogu dhaqmo, isagoo dhinaca kale ka digay waxyaabo khilaafsaan shareecada Islaamka oo mudooyinkan ku soo kordhay magaalada Muqdisho.

“Umadda waxa la rabaa wacyi gelin islaami ah in loo furo, dowlada booliskeeda iyo shacabkeedana ay ka qeyb qaataan, wacyi gelinta noocaas ahna dad fiican baa laga helayaa quraanka ayaana lagu gaari karaa, meelo inlaga raadinayo ayaan arkaa, wxaa ka mid ah gabdho isboortis ciyaara, macsi war wadankaas bistiis ah oo hadda bismilaahi la yiri haddii macsi lagu bilaabo yey faaiido u tahay, muusik la soo waaridayo ayaan aragnaa dowlada waa iney diinta ilaalisaa” ayuu intaa ku daray Shiikh Bashiir Axmed Salaad.

Waxaa sidoo kale ka hadlay gudoomiyaha Ahlu suna waljameeca ee gobolka Banaadir Shiikh C/qaadir Soomow oo sheegay iney wax lagu farxo tahay iney goob joog ka noqdaan xaflad ku saabsan duubida tafsiirka quraanka Kariimka, isagoo Alle uga baryey Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo inta gacanta ku siisay inuu alle Ajir iyo xasanaad badan ka siiyo.

“Somalia waxaa lagu amaana xifdinta Quraanka, waxaana arintaas horseed ka ahaa dugsiyada Quraanka kariimka lagu barto, waxaa nasiib daro ah in la burburiyo dugsiyada quraanka ee xaafadaha ku yilay iyadoo la sheeganayo masuuliyad idaacadana nin ayaa la soo taagan goobo sharci daro ah ayaan burburinay, culima ka hadlaysa ma leh, shacab ka qiiroonaa ma leh” ayuu intaa ku daray Shiikh C/qaadir Soomow.

Wasiirka Cadaalada, garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur oo halkaas ka hadlay ayaa isna tilmaamay in duubista tafsiirkan Quraanka kariimka uu saldhig weyn u yahay diinta Islaamka, isagoo ku bogaadiyay culumaa’udiinka Soomaaliyed doorka wanaagsan oo ay ka qaadanayaan Fidinta Diinta Islaamka.

Waa markii ugu horeysay ee Shiikh Nuur Baaruud Gurxan uu shacabka soomaaliyed u soo bandhigay tafsiirka Quraanka kariimka oo maqal iyo muuqaal ah, iyadoo tafsiirkan maalin kasta laga sii deyn doono qaar ka mid ah warbaahinta gudaha.


http://www.somalisan.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: