27 June, 2013

Bogga Xarakadad Alshabaab Oo Xaqiijiyey In Ku Xigeenkii Xarakadaasi Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghani) Uu Geeriyooday Isla Markaana Uu Dilay Amiirka Xarakadaasi Axmed Cabdi Godane


Bogga Xarakadad Alshabaab Oo Xaqiijiyey In Ku Xigeenkii Xarakadaasi Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afghani) Uu Geeriyooday Isla Markaana Uu Dilay Amiirka Xarakadaasi Axmed Cabdi Godane


Baraawe (Halbeegnews)–27/06/2013– Mid ka mid ah bogaga internetka ee ay leeyahiin xarakadda Alshabaab ayaa maanta goor dhawayd xaqiijiyey in ku xigeenkii xarakada Alshabaab Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo looga yaqaanay gudaha xarakada Alshabaab dhexdeeda magaca ah Sheekh Abuubakar Al-Zaylici iyo nin kale oo ay ku sheegeen magaciisa Sheekh Cabdixamiid Xaashi Colhaye loona yaqaanay Sheekh Macalin Burhaan labada ninba lagu dilay magaalada Baraawe.

Shabakadani waxay sheegtay in labadaninba oo lahaa seddex xaas loo sheegay geeridooda xaasaskoodii laguna war geliyey in ay asayda qaadaan waa sida boggaasi tibaaxayo eh.

Yaa Dilay Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad

Sida boggani tibaaxayo dilka Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad isla markaana Alshabaab u taqaanay Sheekh Abubakar Alsaylici ayaa waxaa ka danbeeyey amiirka xarakadda alshabaab Axmed Cabdi Godane, oo todobaadkani sidoo kale kooxo taageersani ay damacsanaayeen inay khaarajiyaan Xasan Daahir Aways oo isla xarakadaasi ku jirta.

Shabakaddani taageersan kooxda Alshabaab waxay sheegtay in Amiirka xarakadaasi Abu Subayr oo ay u yaqaan Axmed Cabdi Godane looga fadhiyo inuu faah faahin ka bixiyo sababta uu u dilay nimankani.

Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad ayaa mar ahaa madaxii xarakada Alshabaab ee jubooyinka, iyadoo sida boggaasi tibaaxayana dhawaan loo magacaabay ku xigeenka Xarakada Alshabaab, isagoo sidoo kalana ahaa madaxa maaliyadda ee xarakadda Alshabaab.

Axmed Cabdi Godane, iyo Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad ayaa labaduba waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana la sheegaya in ay labada ninba tababaro ku qaateen dalka Afghanistan, iyagoo sannadakii 80-maadkiina ka mid ahaa kooxahii Mujaahidiinta loo yaqaanay ee ka dagaalamay dalka AFghanistan lana dagaalamay ciidamaddii Sovietka.

Kala Qaybsanaanta Kooxda Alshabaab

Kooxda Alshabaab ayaa waxaa soo dhex gallay kala qaybsanaan, iyadoo la sheegay in hogaanka ururkaasi ay isku qabteen qaabka loo wajahayo xaaladda ururkaasi gallay, koox uu horkacayo Ibraahim Meecaad ayaa soo jeediyey in weeraraddani lagu qaadayo goobaha dadka rayidka ahi degenyahiin laga joojiyo, iyadoo la sheegay in koox taabacsan Axmed Cabdi Godane ay iyaguna ku doodayeen in kooxdani ay bilaabeen inay kala qaybiyaan Alshabaab.

Axmed Cabdi Godane oo la sheegay inuu taageero ka hellayo Roobow Abu Mansuur oo ay isku jaal wadaag yahiin ayaa bilaabay bilahii ugu danbeeyey inay weeraro ku qaadaan rag uu ka mid yahay nin asalkiisu maraykan ah oo la yidhaahdo Al Amriiki, taasi oo kala qaybisay xarakadda keentayna in Ibraahim Meecaad, Xasan Daahir Aways, Shangoloon iyo rag kale ay ka soo horjeedsaan.

Wararka ayaa tibaaxaya in Axmed Cabdi Godane uu imika ku daba joogo Fu’aad Shangolo oo isaguna ahaa ku xigeenkii xarakadaasi muddo dheer loona yaqaanay inuu ahaa muftidga ruuxiga ah waa sida ay u haysteen eh, kaasi oo uu doonayo inuu isagana khaarajiyo.

Halkani Guji Warka Shabakadda Taageersan Alshabaab ee Dhimashada Ibraahim Afghani

Halbeegnews, Baraawe

contact@halbeegnews.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: