09 May, 2013

Xukuumadda oo hakisay qorshe Passport Somaliland loogu Tahriibi jiray Itoobiya

Xukuumadda oo hakisay qorshe Passport Somaliland loogu Tahriibi jiray Itoobiya

Laanta Socdaalka oo Dacwad ka gudbisay shabakad isku xidhnayd oo madaarka Berbera ka fududayn jirtay khadkaas

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa hoos u dhigtay qorshe koox isku xidhnayd oo ka mid ah hawlwadeenadda Madaaradda iyo shirkaddaha diyaaraduhu ugu fududayn jireen dadka ku baxaya khadadka bugta ah in passport Somaliland-ka ay ku dhaafaan madaarka berbera si aan loo ogaan baasaaboorada ay ku baxayaan.

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka Somaliland ayaa sheegay in shakhsiyaad ka tirsan wasaaradda Duulista, Shirkadda Nasha iyo hawl wadeeno ka tirsan Shirkaddaha Diyaadaraduhu ay samayn jireen khad ah in qofka sharci foojari ah in uu ku dhoofo doonaya ay u sameeyaan baasaaboor Somaliland si uu Itoobiya ugu gaadho, marka Itoobiya uu gaadhana ku tuuro baasaaboorkii uu Berbera kaga dhoofay, isagoo intaa wixii ka danbeeya isticmaalaya kii uu ku baxayay.

Arrintan ayaa sababtay in ay ka war helaan saraakiisha Socdaalku taasoo keentay in ay Madaxtooyadda Dacwad ka dhan ah u gudbiyaan markii waxba laga qaban waayay, waxaanay ku doodeen markii ay adkeeyeen qaabka loo baadho sharciyadda ay dadku sitaan in Baasaaboor Somaliland ku noqday dariiqa ugu fudud ee ay kooxdaasi ku dhaafin karto.

Dhinaca kale shirkadaha diyaaradaha Somaliland ayaa walaac ka muujiyay baasaaboor Somaliland-ka oo si xawli ah xukuumaddu u bixiso iyadoo mararka qaarkood ay adeegsadaan dad aan Reer Somaliland-ba ahayn oo galaan gal ka sameeya dhinaca Xukuumadda maadaama Dawladda Itoobiya aqoonsantahay isticmaalkiisa, waxaanay ku digeen in uu faraha ka baxo.

Baasaaboor Somaliland-ka oo ah nooc dunida ka sii dabar go’aya ayaa Dalalka laga isticmaalo waxa ugu horeeya Dalka Itoobiya, waxaanay tirakoob Waaheen samaysay cel celis ahaan Xukuumaddu bixisaa Toban Buug, halka inta aan khadkan la hakin wasaaradda Arrimaha guduhu soo bixin jirtay inta u dhaxysa Afartan ilaa konton baasaaboor.

Baasaaboor Somaliland-ka waxa Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Baanka Dhexe oo soo daabacay kaga jirta lacag badan hadaan la bixina waxa laga yaabaa sanadka 2015-ka in caalamka laga joojiyo, hase yeeshee waxa uu u baahan yahay in milgihiisa loo ilaaliyo sidii Xukuumaddii Daahir Rayaale oo ay adkayd sida loo helaa, iyadoo wakhtigaas laga bixin jiray Madaxtooyadda o kali ah halka Xukuumadda Kulmiye u wareejisay Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Isku soo duuboo talaabadan ay Xukuumaddu qaaday ayaa noqonaysa mid lagu yareeyay tahriibka dhinaca sharciga foojariga ah oo Somaliland aad looga isticmaalo maadaama dhalinyaro iyo waayeelba uu galay xanuun dhoof. Walow shaqaalaha kala duwan ee ka shaqeeyay hawlaha Socdaalku ay ka helaan fursado dhaqaale oo sababi kara khatar amni iyo mid sumcadeedba.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65669






http://samotalis.blogspot.com/

No comments: