09 May, 2013

Hanti-dhawrka Guud oo xabsiga dhigay shaqaale ka tirsan madbacada Qaranka


Wuxuu baadhis ka bilaabay Madbacada Qaranka oo lagu eedeeyo meelaha ugu maamul liita xafiisyada Dawladda

hanti dhawrkaHageysa(Waaheen) Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa shalay xabsiga dhigay laba hawlwadeen oo ka tirsan shaqaalaha madbacada Qaranka oo ah meelaha ugu xaasaasisan hay'addaha Dawladda ee ay taalo Xogta iyo Daabacaadaha Qaranku leeyahay.

Sidiiq Cali Seed oo ka tirsan Waaxda Habaynta Buugaagta iyi Muuse Haybe oo ah Agaasimaha Farsamada ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii Hanti-dhawrku Xog ku helay in ay Juwano foojari ah u sameeyeen mid ka mid ah Shirkaddaha Jaadka oo lagula soo dhaafi jiray cashuurta Kastamka.

Xafiiska Hanti-dhawrka guud waxa uu sadex saacadood kadib sii daayay Agaasimaha Farsmadda balse waxa uu amray in aanu shaqo ka qaban Karin Madbacada ilaa baadhistu dhamaanayso, halka Sidiiq wali u xidhan yahay Kiiskaasi.

Sida ay Waaheen Ilo wareedyo u dhuun daloola arrintani u sheegeen Danbiga loo haysto ayaa ah Waraaqo kuwa Cashuurta ah in ay u geyn jireen Shirkad Qaad taas oo lacag badan ka musuq maasuqi jirtay Kastamada Galbeedka Hargeysa.

Illaa hada ma cada xadiga lacagta ah ee ay shirkadaasi ku dhacday Cashuurta Dawladda hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan qorshahani in uu socday in muddo ah isla markaana xidhiidh dhaw ay yeesheen saraakiisha Shirkadda Jaadka iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Madbacada Qaranku.

Musuq maasuqa iyo wax is daba marinta Hay'addaha Dawladda, Ilahada Dakhli soo saarka iyo Ganacsatada ayaa sii kordhaya iyada oo ay yartahay xogta iyo wax ka qabashada Hay'addaha Dawladda ee u xil saaran la dagaalanka Musuq maasuqu qabtaan.

Xafiiska Hanti-dhawrku waxa ay dhawaan qabteen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Maaliayadda Gobolka Saaxil, kuwaas oo wali aan laga soo saarin Natiijo la xidhiidha Danbiyada ay galeen.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=65671

No comments: