13 May, 2013

Wasiirka Dib u Dajinta ee Somaliland Saleeban Xaglotoosiye oo sheegay in aanu iscasileynin, si weyna loogu soo dhaweyey madaarka Hargeysa.(Daawo sawiro)

Wasiirka Dib u Dajinta ee Somaliland Saleeban Xaglotoosiye oo sheegay in aanu iscasileynin, si weyna loogu soo dhaweyey madaarka Hargeysa.(Daawo sawiro)

P1010186P1010184Hargeysa(Waaheen)Wasiirka Wasarada Dib u dajinta Somaliland Md.Saleeban Ciise (Xaglatoosiye) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin Warar sheegayey in uu xilkaasi iska casilayo oo uu cadho ugu maqnaa Dalka Djabuuti.

Wasiirku Wax uu sheegay in uu dalka Djabuuti u tagay sidii uu xaladooda ula socon lahaa Qaxoonti reer Somaliland oo Muddo Dhawar iyo labatan sanno ah ku nool dalkaasi.

Siddasi Wax uu ku sheegay mar uu maanta Shirjaraa'id uu ku qabtay Madaarka hargeysa ee Cigaal Intenational , isaga oo ka soo labtay dalka jabuuti.

Wasiirka ayaa wax halkaasi ku soo dhaweyey Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bariga Fu'aad Aadan cadde, Guddomiye Kuxigeenkii Ururkii Xaqsoor Cali Sandule, Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdirashiid Qanbi  iyo Xildhibaano ka soo jeeda Goboladda Bariga.

Wasiirka ayaa wax halkaasi ku soo dhaweyey Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, La-taliyaha Madaxweynaha ee arimaha Bariga Fu'aad Aadan cadde, Guddomiye Kuxigeenkii Ururkii Xaqsoor Cali Sandule, Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cabdirashiid Qanbi  iyo Xildhibaano ka soo jeeda Goboladda Bariga.P1010190P1010191P1010193P1010196P1010183P1010195

Wasiir Xaglatoosiye oo ugu horeyn ka hadlay Warar warbaahintu qortay oo ahaa in uu xilkaasi iska Casilayo wax uu yidhi. "Waxan halkan ka cadeynayaa in aanay jirin in aan Xilkan iska Casilayo, runtii Waa War aan Sal iyo raadtoona lahayn, wax khilaaf siyaasadeed ah oo madaxweynaha dalka naga dhexeyana ma jirto."Ayuu yidhi.

Mar ay warbaahintu waydiisay Wixii ka fulay Heshiiskii uu Xukumada Somaliland la galay wakhtigii uu ka yimid ururkii SSC ayaa waxa uu tilmaamay in Qodobadii wakhtigaasi lagu heshiiyey ay qaran fulen, Qodobana ay wali hadhsan yihiin. Waxanu yidhi. "Runtii Heshiisyadii na dhex maray wakhtigii aan Somaliland aan imid wax badani way fuleen, runtii waxna way hadhsan yihiin, insha Allaha waxaanu rajeynaynaa in dhamman ay fulan."Ayuu yidhi Wasiirku.

Isaga oo ka hadlaya Safarkii uu dalka Djabuuti uu ku tagayna wax uu yidhi. "Safarka aan Dalka Djabuuti aan ku tagay Waxay ahayd Mid Shaqo oo ku saabsan Qaxoonti Reer Somaliland oo muddo dhawr iyo labatan sanno ah ku noola dalkaasi Djabuuti si aanu Xalaada ay ku sugan yihiin aanu u soo eegno, runtii dawlada jabuuti si fiican ayey noo soo dhaweysay, intii aanu hawshaasi ku jirnayna noo fududeysay, qaxoontigaasina way fiican yihiin."Ayuu yidhi.

C/raxman Osman Isbatore

Waaheen Media Group

P1010187P1010189P1010188Hargeysa, Somaliland.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65924

No comments: