13 May, 2013

Taliyayaasha Sirdoonka iyo Booliiska Puntland oo Hargeysa ku sugan

Taliyayaasha Sirdoonka iyo Booliiska Puntland oo Hargeysa ku sugan

brekingHargeysa(Waaheen) Taliyayaasha Ciidamadda Sirdoonka C/raxmaan Yuusuf Faarax iyo Booliiska Puntland Cali Nuur Cumar ayaa muddo laba cisho ah ku sugan Hargeysa, kuwaas oo aan la garanayn ujeedada Socdaalkooda.

Labada Talaiye Ciidan ee Puntland ayaa lagu arkay Hotelka Ambassador iyagoo ku jira Aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo Arrimaha Amaanka kaasoo aan la garanayn cid soo diyaarisay.

Xukuumadda Somaliland kamay hadal joogitaanka labadaas Taliye oo ah markii ugu horaysay ee saraakiil noocaas oo kale ah oo Reer Puntland ama somaliya ahi Hargeysa yimaadaan.

Saraakaiisha Xukuumadda qaarkood oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino noomay suurtogelin hase yeeshee sida ay waaheen wararka ku heshay waxa la filayaa in imaatinkoodu daba socdaya kulan dhawaan arrimaha Amaanka Somaliya lagaga hadlayay oo lagu qabtay Dalka yemen.

Kulankaasi Somaliland waxa uga qayb galay Wasiir ku-xigeenka Amniga, Taliye ku-xigeenka Booliiska, Taliyaha Laanta Socdaalka iyo saraakiil ka tirsan Sirdoonka, halka Puntland iyo Somaliya ay ka tageen wufuud heer Wasaaradood ahi.

Si kasta ha ahaatee kulankaas hore waxa uu ka dhacaya dal ka madax banana Somaliya laakiin kani waxa uu ka dhacay Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland, iyadoo sababta loogu doortay in lagu qabtaa tahay Amaanka ay Somaliland ku caano maashay.

taliyaha sirdoonkaBooqashada labada Taliye ayaa ku soo beegmaysa wakhti maamulka ay aka tirsan yihiin dad shacab ah oo  mudaharaadayay Rasaas u adeegsaday kala eryidooda halka Ciidanaka Badda Puntland-na Diyaarado uga adeegsadeen.

 

 

 

No comments: