12 May, 2013

Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo burisay Xukunkii Maxkamadda Gobolka ee Sheekh Maxamud C/laahi Geelle

Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa oo burisay Xukunkii Maxkamadda Gobolka ee Sheekh Maxamud C/laahi Geelle

geeHargeysa(Waaheen) Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex  ayaa maanta soo saartay Xukun ka khafiifsan kii ay Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle kaasoo ah Lix bilood oo xadhig ah, halka markii hore uu ahaa sanad.

Xukunka Maxkamadda Rafcaanku burisay Xukunkii hore ee Maxkamadda Gobolka waxa kale oo ay laashay go'aankii ku lamaanaa ee ahaa in aanu Xadhiga Iibsan karin, iyadoo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanku amray in uu Iibsan karo.

Afhayeenka Urur uu sheekh Maxamuud C/laahi Geelle ku dhawaaqay oo la yidhaahdo Cali Aar ayaa Waaheen u sheegay in barri aay u iibinayaan xadhiga inta u hadhay oo ah sadex bilood.

Go'aanka Maxkamadda rafcaanka ka soo baxay ayaa ka danbeeyay kadib markii Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle Abiil ka qaatay Xukunka hore.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65851

No comments: