11 May, 2013

Madaxweynaha Puntland oo diyaarado ku weeraray Reer Boosaaso oo ku mudaharaaday


-Boosaaso(Waaheen) Madaxweynaha Puntland C/raxamaan Faroole ayaa manta Ciidamaddiisa Badda oo leh laba Diyaaradood oo nooca Helikabtarka loo yaqaano ku weeraray dad mudaharaad ka dhigayay Magaaladda Boosaaso oo ay laba cisho ka hor Ciidamaddiisa Daraawiishta oo gadooday qabsadeen.

Dadweyna Mudaharaadayay ayaa ka soo hor jeeda Doorashooyinka la doonayo in Maamulkaasi laga hirgaliyo, waxaanay ku doodayaan xiligan in aanay suurtogal ahayn in Nidaam Doorasho laga hirgaliyo iyadoo dadku hubaysan yihiin isla markaana ay jiraan caqabado u dhaxeeya siyaasiyiinta Puntland.

Sidoo kale waxa ay ku dhawaaqayeen in Ciidamadda Gadooday mushaharkooda la siiyo inta aanay xaaladdu faraha ka bixin, taasoo ay ka cabsi qabaan haddii la siin waayo in ay dib u qabsan doonaan Magaaladda Dagaalna ka dhici doono.

Madaxweyne Faroole ayaa rasaas nool kala hor tagay Dadkaas mudaharaadayay isagoo ku kiciyay Diyaaradaha Dagaalka ee ay leedahay shirkadda Saarison oo ah calooshood u shaqaystayaal uu ku adeegto, amaankiisana ilaaliya.

Magaaladda Boosaaso waxa ka taagan cabsi xoogan waxaana soo gaadhay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland kaasoo uu Faroole soo diray, iyada oo ay wehelinayaan Ciidamo  farabadani.

Hay'addaha degan magaaladda Boosaaso ayaa ka qaxay manta xaafadaha rabsahadaha badani ka dhaceen, taasoo muujinaysa xaalada magaaladaasi inay sii xumaanayso.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65790

No comments: