11 May, 2013

Madaxweynaha Kililka shanaad oo Tigreega ku tilmaamay inay Ogaadeenka u ogol yihiin in uu Dalka la maamulo


"Tigreegu ogaadeen maanta wuxuu ka jecel yahay ma jiro, ee Ogaadeenkii uun baa xabad gawdaa kaga siinaya uun" Madaxweynaha Kililka

Jkililkaigjiga(Waaheen) Madaxweynaha Kililka shanaad Cabdi Maxamed Cumar  oo la sheekaysanaya Odayaal Beeshooda ah ayaa waxa uu uga waramay dareenka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Ogaadeenka iyo Tigreega Dawladda Federalka Itoobiya Maamula. 

Waxa uu Madaxweynaha Kililku sheegay Tigreegu in ay doonayeen ogaadeenku inuu dalka la maamulo balse Ogaadeenkii loo tag la'yahay oo ay dagaal iyo xabad uun ku wadaan Tigreega.

Madaxweynaha Kililka waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Tigreegu ogaadeen maanta wuxuu ka jecel yahay ma jiro, ee Ogaadeenkii uun baa xabad gawdaa kaga siinaya uun, laakiin wuxuu maanta Tigreegu ka jecel yahay ogaadeen ma jiro."

Waxa uu intaas  ku daray Madaxweynuhu "Wuxuu is lahaa ku-xigeen intaad ka dhigato wadanka ha kula hogaamiyo oo Addis ababa ha kula qabto oo ma ogola in Amxaaradii shalay dib ugu soo noqoto, oo wuxuu islahaa Ogaadeenkan baa kuu noqon garab, isagiina dab buu na galiyay buu yidhi" ayuu raaciyay Cabdi Maxamuud sheekadii uu u waday odayaasha beeshooda

Isagoo dhibaatada Ogaadeenka haysata ka hadlaya waxa uu intaas raaciyay "laakiin belaayadu waxay tahay Ogaadeenkii Uraagii iyo Tigreegii iyo Oromadii iyo Amxaaradii wada Amxaar bay dhihi, dhamaan hada waa dad iska kaa neceba iyagii. Waa dad aan marnaba heshiinayn markaa Amxaaro iyo Tigree buu isku gayn oo uu wada odhan waa Amxaaro, Oromo iyo Amxaaro aan isba qaadan karayn kii gaalka ahaa iyo kii Muslimka ahaa ayuu odhan waa wada Amxaaro." Ayuu yidhi

Hadana waxa uu intaas ku daray "Arrintaa halkaa ina dhigtay waa Amxaaraa tihiin . hada ninka Somaliga ahi marka uu Addis ababa tago Tigreega uun buu hoosta ka gali arxan kaasaa ugu dhaw waar ka daaya Tigree uun baa jiri cid tidhaahda" ayuu kaga baxay

Short URL: http://waaheen.com/?p=65800

No comments: