26 May, 2013

Hargeysa: Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Wakiiladda Oo Si Caadifad Ka Muuqato U Beeniyey War Sheegay In Beeshiisu Kalsoonidii Kala Noqotay

Hargeysa: Guddoomiye Ku Xigeenka 1-Aad Ee Wakiiladda Oo Si Caadifad Ka Muuqato U Beeniyey War Sheegay In Beeshiisu Kalsoonidii Kala Noqotay








Hargeysa, May 26, 2013 (Halbeegnews) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa maanta si cadho iyo caadifad badani ka muuqato u beeniyey war Warbaahinta lagu faafiyey oo sheegaya in beesha uu ka soo jeedaa ay kala noqotey Kalsoonidii, kaas oo uu ku sifeeyey in nin ay isku beel yihiin oo uu sheegay inuu ka shaqeeyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo xil doon ahi uu warkaas ka faafiyey.

Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa xarunta Golaha Wakiilada ee magaalada Hargeysa, waxaanu uu sheegay in qoraalka ay soo saareen kooxda sheegtay inay matalaan beesha uu ka soo jeedo inuu ka dambeeyay agaasimaha waaxda gobolada iyo siyaasada ee wasaarada arrimaha gudaha, waxana uu tilmaamay in aanay jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya isaga madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Subeer Celi (Arab) ee uu ka soo jeedo.

Isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Arrinta lagu qoray saxaafadda waxa wanaagsan inay wararka iska hubiyaan, waxa ku taala waxgaradka iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha ayaa kala noqday kalsoonidii Mudane Cali Aw Yuusuf Axmed Markaa ma jirto dad ka tirsan beesha oo waxgarada oo yidhi sidaasi ma jirto waayo waxgaradka aqoonyahanada iyo hogaamiyeyaasha beesha aad iyo aad ayaan iskugu wanaagsan nahay, arrintaasi nin kaliya ayaa qoray ninka qorayna waxa weeyaan waa nin dawlada u shaqeeya wasaarada arrimaha gudaha ka shaqeeya la yidhaahdo Cali Xasan Cawaale.”

Guddoomiye Cali Yuusuf isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Run ahaantii waa nin aad u fudud ah shakhsiyadiisa aad ayaa loo yaqaanaa beeshan uu sheeganayaana aad bay u taqaanaa, waxa looga baahan yahay arrintaa inuu soo cadeeyo, waxaa uu qoray maxkamad inuu ka cadeeyo ayaa loo baahan yahay, waanan ku haysanaa, magaca beeshana kuma hadli karo.”

“Ta kalena xildhibaanimada habka lagu qaado isagoo dawlada u shaqeeya wax badan buu jaahil ka yahay, xildhibaanka golaha wakiilada xildhibaanada ayaa ka qaadi kara haddii uu danbi uu galo cad oo lagu soo cadeeyo, wuxuu yidhi jilib uu isagu ka tirsan yahay ayuu sheegtay in aan ka soo horjeedo, waxa ka jiraana ma jirto aniga way ii wada siman yihiin dadkuna wuu I yaqaanaa isagana waa la yaqaanaa,” ayuu yidhi Cali Aw Yuusuf Axmed.

Cali Aw Yuusuf waxa uu ku eedeeyay Agaasimaha goboladda ee Wasaaradda Daakhiliga inuu yahay nin xil u buka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa nin xil u buka weeyaan xil ka wayn oo aanu qaadi karayn ayuu hayaa nasiib daro kol baa la doonayay in laga wareejiyo aniga ayaa idhi bal ha loo daayo oo jaanis kale ha la siiyo, kolkaa nin dawlada u shaqeeya oo xil hayaa in uu dacaayad been ah uu fidiyo waa nasiib darro weeyaan, waxa kalena ma aha waxa uu leeyahay xildhibaan loo diiday iyo dawladu waxay na siin lahayd buu Cali naga horjoogsaday isaga ayaa u buka in laga dhigo ayuu doonayaa xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa. Xoghayaha dawlada hoose nin baa jooga haddii ay noqoto in laga qaado cid kale la siiyo dawladu iyadaa taqaan ciday kala tashanayso iyo ciday u garanayso.”

“Ma aha qofku inuu is yidhaa aniga mudan oo wax walba ku wanaagsan, waxaan beesha uga hor imaadaa ma jirto wax baan la jecelahay waxa dawladu bixin karto waa wax kooban weeyaan shaqo la’aan baa jirta cid waloo shaqo doonaysaa shaqo lama wada siin karo.” ayuu yidhi Cali Aw Yuusuf Axmed.Halbeegnews/Hargeysa Office.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: