14 April, 2013

XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA SAACADAHA SHAQADA IYO HORUMARKA DHAQAALAHA

XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA SAACADAHA SHAQADA IYO HORUMARKA DHAQAALAHA

. Hordhac

Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wali si fiican cagaha

isugu taagin markaad ka eegto xaalada dhaqaale ee uu dalku ku sugan
yahay. Inkastoo dalku uu magac wanaagsan kasoo hooyahay horumarka uu
ka gaadhay xaga nabadaynta iyo xaga dimuqraadiyadaba, haddana waxa
jira waxyaabo badan oo aad arkayso in loo baahan yahay in horumarin
lagu sameeyo. Meelaha loo baahan yaha in la horumariyo waxa ka midda
saacadaha shaqada ee xafiisyada dawlada. Fikirka saliimka ah iyo
cilmiga dhaqaaluhu waxay isugu imanayaan baahida loo qabo in saacado
macquul ah oo aan dulmi ku jirin in la shaqeeyo si loo helo waxsoosaar
la taaban karo oo dalka horumar dhaqaale u horseeda. Qoraalkan waxaynu
waxyar kaga tilmaamaynaa dhibaatada ay leedahay saacadaha shaqada oo
aan sida munaasibka ah loo gudan.

2. Saacadaha Shaqada ee Heer Caalami
Xeerka caalamiga ah ee saacadaha shaqadu wuxuu dhigayaa in 24kii
saacadood qofka shaqaalaha ahi inuu shaqeeyo 8 saacadood. Wiigiina
shaqaalaha waxa laga rabaa 40 saacadood oo shaqo ah. Caadiyan
shaqaalaha dawladu waxay shaqeeyaan usbuucii 5 cisho, laba cishana waa
la fadhiyaa, oo qofka shaqaalaha ahi danihiisa gaar ahaaneed ayuu ku
foofaa. Xeerkan ku dhaqankiisa waxa hormuud ka ah xafiisyada dawladaha
iyo hayadaha caalamiga ah. Inta badan shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha
sida gaarka ah loo leeyahay waxay shaqeeyaan in ka badan 40ka
saacadood ee xeerkan caalamiga ahi uu dhigayo, taasoo ku xidhan kolba
sida ay shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo shaqaalahoodu ay ku
heshiiyaan.

3. Saacadha Shaqada iyo Horumarka Dhaqaale
Horumar dhaqaale oo uu wadan gaadhaa waxa uu si toos ah xidhiidh ula
leeyahay saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha wadankaasi. Wadankii ay
shaqaalihiisu shaqada masuugaan ama ay yareeyaan, shaqadaasi ay
yareeyaan waxay ka go'an tahay koboca dhaqaale ee wadankaasi. Adduunka
maanta waxa tartan loogu jiraa sidii uu wadanba wadanka kale uga
dhaqaale wanaagsanaan lahaa. Tartankaasi ayaa wuxuu keenayaa in
shaqaalaha aan laga eegin oo kaliya xaga saacadaha ay shaqaynayaan ee
ay lagama maarmaan noqonayso in tayada waxsoosaar ee shaqaalaha kor
loo qaado oo markaasi la siiyo tababaro kala duwan, iyadoo intaasi ay
u dheertahay iyadoo shaqaalaysiinta ka hor shardi laga dhigayo qofkaa
shaqaalaha ahi waxbarashadiisu waxa ay tahay iyo heerka ay aqoontiisu
tahay. Sharafta uu wadan bulshadda caalamka ku dhexleeyahay waxay si
toos ah ugu xidhan tahay heerka uu marayo dhaqaalaha wadankaasi.
Dhaqaalaha wadankana waxa lagu cabbiraa halbeeg caalami ah oo loo
yaqaano GDP ama "Gross Domestic Product" oo Afsoomaali ahaan aan ku
macnayn karno "waxsoosaarka Guud ee Wadanka halkii sanno". Halkii
sanno GNP ga wadankaasi waa maxay? Waliba waa lasii jilciyaa oo la
isticmaalaa halbeeg kaa hore kasii farcama oo la yidhaahdo "Per Capita
Income" (PCI) oo macnaheedu yahay waxsoosaarka sanadkii ee wadanka oo
loo qaybiyay tirada wadankaa ku nool calaa qof wixii kusoo hagaagaya.
Markaa tusaale ahaan, "PCI" dalka Maraykanka waxa weeye 40,000
(afartan kun oo Doolar)sanadkii halka uu ka Somaliland ka yahay 600
(lix boqol Doolar kaliya). Kala sarayntaasi dhaqaale ayaa keentay in
wadana uu noqdo deeq-bixiye wadana uu noqdo deeq-qaate. Markaa ta
laysku dhaafay waa tayada iyo saacadaha ay shaqaynayaan shaqaalaha
wadankaasi. Way jirtaa in waxsoosaarka aanay u sabab ahayn shaqaalaha
wadanka oo kaliya oo ay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin dhulka
wadankaasi uu haysto (dhul beereed wabiyo leh oo kale) iyo lacagta uu
wadankaasi haysto, iyo heerka maamul iyo teknoolajiyadeed ee wadanku
gaadhay; hadana waxaas oo dhan waxa ugu mudan shaqaalaha wadanku
saacadaha uu shaqeeyo iyo farsamada uu ku shaqeeyo.

4. Saacadaha Shaqo ee Somaliland
Inagoo niyadda ku hayna in maanta nolosha caalamku ay tartan ku
salaysan tahay, bal aynu eegno saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalha
dawladda ee Somaliland. Waynu wada ogsoonahay in shaqaalaha dawladda
ee xafiisyada Somaliland aanay shaqaynin wax ka badan 28 saacadood
usbuucii halka looga baahnaa inay shaqeeyaan 40 saacadood. Waxa
halkaasi ka dhiman usbuucii 12 saacadood. Marka sanadku uu ka kooban
yahay 52 usbuuc, waxay sanadkii Somaliland khasaartaa 52 usbuuc lagu
dhuftay 12 saacadood oo noqonaya 624 saacadood calaa qof. Xafiisyadda
dawlada ee Somaliland waxa lasoo galaa 8 subaxnimo waxaana laga
rawaxaa 12ka duhurnimo. Gelin danbe oo shaqo lagu soo noqdaana ma
jiro. Taasi waxay keenaysaa in hawshii hal usbuuc lagu dhamayn lahaa
in ay qaadato laba usbuuc. Ku darso oo Somaliland malaha khayraad
dabiici ah oo sababi kara in dadku ay fadhiga ku dhergaan sida
wadamada Carabta qaarkood (dabcan marka laga reebo wixii baadhitaanada
hadda socda lagu heli karo). Waxa kaloo jirta in heerka tababar ee
shaqaalaha Somaliland aanu gaadhsiisnayn heer Afrikaan iskaba daa mid
caalamiye. Hadaba waxa iswaydiinle, reer Somaliland miyey u
badheedheen khasaarahaasi wayn ee kaga socda xaga saacadaha shaqada oo
aad loo yareeyey? Mise hoosba arrinkan looma fiirin.

5. Hogaanka Wadanka Maxaa la Gudboon?
Hogaanka siyaasiga ah ee Somaliland waxaa la gudboon inay umadda
fahamsiiyan in dalka dhaqaalihiisa ay ka go'antahay saacadaha shaqada
ee la shaxaadayaa. Reer Somaliland waa inay run isu sheegaan oo ay
xaqiiqda istaabsiiyaaan. Laba arimood marka la helo ayaa xaaladan
haatan wadanku ku sugan yahay waxlaga bedeli karayaa. Kow, waa in
siyaasiyiinta wadanka hogaaminaysa la yimaadaan qorshe ballaadhan oo
si fiican u qeexaya horumarka dhaqaale ee uu wadanku higsano, isla
markaana waa in qorshahaasi uu qeexayaa faaiidada shaqaalaha wadanka
ugu jirta horumarka dhaqaale ee wadanka la doonayo in la gaadhsiiyo.
Laba, waa in shaqaaluhu ay la yimaadaan isbedel xaga fikirka ah oo ah
"aniga ayaa gacanta ku haya in wadankaygu uu faqrigan kusii sugnaado
ama inuu gaadho horumar dhaqaale oo ay aniga faaiido lacageed iyo mid
sharafeedba iigu jirto" isla markaana ay isbedelkaa fikirka ay u
bedelaan hawlgal dhab ah. Marka labadaa arimood la helo ayaa la arkaa
in wadanku uu ka kore xaalada dhaqaale xumo ii haatan uu ku sugan
yahay.

6. Higsiga Mustaqbal
Maanta cidwal oo indhaha ku haysa xaalada dhaqan-dhaqaale ee ay
Somaliland ku sugan tahay, way u caddahay in loo baahan yahay in
xaaladan wax laga bedelo. Suaashu waxay tahay side isbedelka la
doonayo loo gaadhayaa. Jawaabtu waxay tahay, wadanka haloo huro fikir
iyo waqti. Shaqaalaha waxaa la gudboon inay ogaadaan in waqtigii loo
baahnaa inay wadankooda u shaqeeyaan ay shaxaadayaan, shaxaadkaasina
uu wadanka horumarkiisa dhaqaale uu dhaawac wayn ku yahay. Masuuliinta
wadankana waxaa la gudboon in korodhka dhaqaale ee ka yimaada dadaalka
dheeraadka ah eey shaqaaluhu keeneen, inay si cadaalad ah wadanka ugu
horumariyaan isla markaana ay meel dhigaan xuquuqda shaqaalaha ha
noqoto mushahar wanaagsan oo ay shqaaluhu helaan ama ha noqoto
adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin.
Marka la helo daacadnimo ka timaada xaga shaqaalaha iyo maamuul wanaag
ka yimaada xaga masuuliinta waxa shaki la'aan ah in wadanku uu gaadhi
karo horumar dhaqaale oo heer caalami ah, horumarkaasi oo Somaliland
ay ku dhaafi karto wadamada khayraadka dabiiciga ah leh.


Maxamed Jiciir

No comments: