24 April, 2013

Shil Baabuur Oo Sababay Dhimashada 8 Ruux Iyo Dhaawac Tiro Badan Oo Ka dhacay Jidka

 Isku Xidha Arabsiyo Iyo Gabiley

Arabsiyo (Halbeegnews)–24/04/2013–Ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye waxaa inta la ogyahay geeriyooday 8 Ruux halka dhaawucuna ka badanyahay ilaa tobaneeyo qof ka dib shil baabuur oo maanta duhurkii ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley ee galbeedka caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shilkani ayaa dhacay ka dib markii laba baabuur oo midi yahay nooca xamuulka qaada ka kalana uu ahaa mid rakaab saaranyahay ay isku dhaceen iyagoo labaduba ku socda xawli aad u sareeya, isla markaana dad badani ay ku qudh baxeen.

Maydka iyo dhaawaca ayaa loo soo qaaday badankood cisbitaaladda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland halkaasi oo maydkiina qaarkood la dhigay cisbitaalka dhexe ee magaalada Hargeysa.

Shilalka baabuurta ayaan jidkani sidaasi ugu badnayn iyadoo badiba shilalka baabuurtu ay ka dhici jireen jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa.

Halbeegnews ayaa ku jirta inay soo uruuriso magacyadii dadka geeriyooday alla ha u naxariistee iyo kuwa dhaawaca ah, kala soco goor dhaw

Halbeegnews, Arabsiyo

No comments: