24 April, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiiradiisii Wehelinaayey Oo Washington Kula Kulmay Senator Jeff Flake

 Oo Ah Ku Xigeenka Guddida Afrika Ee Golaha Senateka Maraykankakulan1
Washington Dc (Halbeegnews)–24/04/2013– Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xubnahii golahiisa wasiiradda ahaa ee ku wehelinaayey safarkiisa dalka maraykanka uu ku joogo gaar ahaana xarunta Washington DC ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta sharci dajiyayaasha maraykanka ee Capital Hill Senator Jeff Flake oo ah ku xigeenka arrimaha Afrika u qaabilsan golaha Senateka dalka maraykanka.

Kulankani oo ahaa mid Senator Flake uu ku martiqaaday wefdiga madaxweynaha xafiiskiisa Capital Hill ku dhex yaalla ayaa waxaa kulanka hadal ku furay madaxweyne Siilaanyo oo Mr. Flake uga waramay taariikhda Somaliland iyo marxaladda ay ku sugantahay wakhtigani "waa dal xornimadiisa hellay 26 June 1960-kii oo dalkii ugu horeeyey ee aqoonsaday ahaa dalkiina maraykan, waxaanu nahay dalka keliya ee gobolka aanu ku naalo leh xisbiyo iyo dimuqraadiyad lana doorto gole deegaan, baarlamaan ilaa madaxweyne oo dadku si toos ah usoo doortaan" ayuu ku yidhi.

Dhinaca kale xildhibaan Flake ayaa dhinaciisa sheegay inay dawladdu maraykanku gaar ahaana xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsanyahay aad uga war qabaan horumarka ay Somaliland gaadhay wuxuuna sheegay inuu jecelyahay inuu Somaliland yimaado oo uu xaaladiisa indhahiisa ku soo arko.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wuxuula ballansanyahay inuu kulano la yeesho madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka.

Halbeegnews, Washington


No comments: