30 April, 2013

SHEEKO KALE KEEN: BUDHCAD MADAX AH – W/Q: PROF. CABDISALAAM YAASIN



Dawladihii Shiinaha ee hore mid ka mid ah ayaa kala daadatay oo noqotay dawlad faashil ah. Burburkii dawladood waxa dadkii ugu darsmay abaaro iyo dufaano is dabjoogo. Cunadii ayaa yaraatay; dadkiina gaajo iyo macaluul ayaa ku habsatay. Waxana u xigay qas iyo qalalaase.

Dadkii maatada ahaa gaajadii iyo macaluushii waxa ugu darsamay budhcad iyo tuug dhac iyo dil la dhex gashay. Xaaladdii waxay gaadhay in laga quusto in noloshu mar kale caadi ku soo noqoto.

Dadkii iyaga oo quus jooga, ayaa wixii madax iyo waayeel is helay shireen. Nin tmadax ahaa oo kalsooni weyn lagu qabay ayay hogaamiye u doorteen oo xil saareen in uu dalka ku soo celiyo nabad gelyo, xsilooni, iyo maamul kala dmabayn iyo haybad leh.

Hogaamiyihi wuxu hawshiisii ka bilaabay in uu ciidan amaanka suga dhiso. Xayaysiis ayuu u sameeyay ciidanka uu doonayay in uu dhiso. Saddex heer oo kala sareeyana uu yeelay.

Cabdisalaan Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Heerka ugu sareeya wuxu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin dad-dil iyo budhcad. Waxaanu ka dhigay madaxdii u saraysay ciidanka; mushahaaradii ugu badnaydna wuu u qoray. Heerka labaadna wuxu Ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin tuug, oo derejadii iyo mushaharkii labaad lagu qaatay. Heerkii sadeexaad ee ciidankana waxay noqondeen dhuljiifkii gurdan raacay budhcadda iyo tuugta oo noqday askartii ciidanka, mushaahaardii u hoosaysayna loo qoray.

Muddo laba todobaad gudahood ayaa taliyihii arrinta loo xilsaaray dhisay ciidan kun askari ku dhow. Ka dibna, ciidankii ayuu habeeyay oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay. Markii uu ku qancay in uu ciidankii gaadhsiiyay halkuu la doonayay, ayuu soo tubay oo la hadlay.

Wuxu ku yidhi, "Wixii dembi ah ee aad qof qof u gaysateen waa laydinka saamaxay. Mar dambena laydiin raacimaayo. Hasa yeeshee, waa in aad ka toobad keentaan iskana maydhaan dembiyadii aad  qaranka ka gasheen. Si aad dembiyadaa isaga maydhaana waa inaad budhcaddii iyo tuugtii saaxiibadiin ahaa ee ku soo biirwaayay ciidanka soo qabataan haddii ay idin diidaana laysaan!"

Ciidankii qorshihii taliyuhu u dejiyay ayay si dhab ah u fuliyeen. Waxaanay ku guulaysteen muddo sanad gudihii inay laayaan saaxiibadood oo cidhibtiraan budhcaddii iyo tuugtii. Ka dibna dadki helaan nabad gelyo, xasiloon, iyo maamul dawladeed!!!

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasin

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: