30 April, 2013

Marxuum Abwaan C/Laahi Macalin Dhoodaan Oo Lagu Aasay Magaaladda Jigjiga Iyo Haldoorka Soomaalida Oo Ka Qaybgalay



Jigjiga, April 29, 2013 (Halbeegnews) – Allaah ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin Axmed (Dhoodaan), oo saddex Maalmood ka hor ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada Herer ee dalka Itoobiya, ayaa shalay galinkii dambe si heer Qaran ah loogu aasay Xabaalo ku yaalla magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Marxuum Abwaan Cabdillaahi Macallin (Dhoodaan), oo ahaa Abwaan caan ka ahaa guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, isla-markaana ka mid ahaa Af-maalka Suugaantoodu faaftay, Allaah ha u naxariistee,  waxa aaskiisa ka qayb-galay Boqollaal qof oo ka kala yimid dhulka Soomaalida, sida Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti, Kenya iyo weliba Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo magaalo Madaxdiisa Jigjiga lagu aasay.

 

Aaska Marxuumka, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Wasiirro ka kala socday Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dawladda Federaalka Itoobiya, Wasiirro ka socday Somaliland, Abwaanno caan ah sida Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Qoraaga Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-Qays), Abwaan Maxamed Aadan (Dacar) Yuusuf Shaacir, Hurre Walan-wal, Masuuliyiin ka socday Jabuuti iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dhammaantood ka qayb-galay aaska loo sameeyay Marxuum Dhoodaan.

 

Marxuumka oo Salaaddii Jinaasadda ay ku tukadeen boqollaal qof, ayaa markii la aasay waxa xabaasha dusheeda laga jeediyay hadallo u badnaa duco, iyadda oo sidoo kale masuuliyiintii iyo Abwaannadii ka qayb-galay ay halkaasi mid mid uga sheegeen taariikh nololeedka Marxuumka, shakhsiyaddiisii iyo sida Suugaanta Marxuumku ugu faaftay Dhulka Soomaalidu ku dhaqan tahay.

Madaxwaynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa Tacsi u diray Qoyska, Ehelka, Qaraabada, Shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Suugaanyahannada ee uu ka baxay Maxruum Dhoodaan oo uu sheegay inuu ahaa shakhsi qiimo weyn ugu fadhiya guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan Soomaalida Itoobiya.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu sheegay in la saaray Guddi soo daabacda raad-raaca taariikhda Abwaanka, isaga oo xusay in Taariikhda iyo Suugaanta uu Marxuum Abwaan Dhoodaan ka tagay lagu dari doono Manhajka waxbarashada deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kalena wuxuu ballan-qaaday in la kafaala-qaadi doono Nolosha iyo daryeelka Carruurtii uu ka tegay, isaga oo gabogabadiina Madaxweynuhu Illaahay uga baryay in uu Abwaan Cabdillaahi Macallin Dhoodaan naxariistii janno ka waraabiyo,  samir iyo iimaan-na inta uu ka baxay-ba ka siiyo.

Ugu dambayn, waxa iyaguna Marxuumka Tacsi u diray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ka mid ahaa Wufuudda Somaliland ee aaskaasi ka qayb-gashay.--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: