15 April, 2013

Golaha Guurtida ee Somaliland oo Muddo Labba Sanno aha u Kordhiyey Golaha Wakiilada, Halka ay Muddo Saddex Sanno ahna ay Kordhisteen, iyaga oo Doortay Guddomiye Ku-xigeen Cusub.

Golaha Guurtida ee Somaliland oo Muddo Labba Sanno aha u Kordhiyey Golaha Wakiilada, Halka ay Muddo Saddex Sanno ahna ay Kordhisteen, iyaga oo Doortay Guddomiye Ku-xigeen Cusub.

images

Hargeysa(Waaheen) Fadhigii Golaha Guurtida ee Maanta ayaa Waxaay Muddo Labba Sanno ah u kordhiyeen Golaha Wakiilada oo Muddo Xilloodkoodii ku egyahay Bisha May ee Sandkan, waxaa kale oo Muddo Labba Sanno ah u kordhiyeen Golahooda oo Wakhtigu kaga egyahay Sanandka 2014, iyada oo muddo Hal Sanno ah ay ka danbeyn doonan Doorashada Golaha wakiilada oo ay Cayimeen in ay Qabsoonto Bisha May ee  2015, HalkaGolaha Guurida Doorashadooda ay ugu tallo galeen in ay Qabsoonto Bisha May 2016.

Fadhigan Saaka oo uu shirguddominayey Guddomiyaha Golaha Guuritda Md.Saleeban Maxamud Aadan  ayaa waxaa kale oo lagu doortay in Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad oo uu dhawan uu ka geeriyooday Marxuun Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Waxaan Jagaadasi Cod Aqlabiyed ah loogu Codeyey Siciid Timmo Weyn ooh ore u ahaa Guddomiye Kuxigeenka Labbad, waxaana U codeyey 69Mudane, halka uu ka Aamunsay Hal Mudane, Cid Diidanayna may jirin Guddomiyuhuna muu Codeynin, Waxaana Fadhigaasi Fadhiyey 71Xildhibaan

No comments: