16 April, 2013

Garyaqaan Aadan X Cali oo daadifeeyay Guddi Anshax marin ah oo ay Xukuumaddu soo marisay Solja


Garyaqaan Aadan X Cali oo daadifeeyay Guddi Anshax marin ah oo ay Xukuumaddu soo marisay Solja


"Aniga la igalama tashan, wakhtina uma hayo, wax Saxaafadda kala kaxaynayana kuma jiro" Aadan X Cali

Hargeysa(Waaheen) Garyaqaan Aadan X Cali oo ah Hormoodka Kulliyadda barashada cilmiga Nabada iyo xalinta Khilaafaadka ayaa ku dhawaaqay in aanu ka mid ahayn Guddi Xukuumaddu dabada ka wado oo la doonayo in lagu dabro Saxaafadda taasoo loola baxay Guddida Anshax marinta Saxaafadda Somaliland.

" Aniga guddidaas cid igala tashatay iyo cid igu war-gelisay midna ma jirto, waad ogtahayoo anigu Garayaqaan ahaan saxaafadda xidhiidh dhaw baan la leeyahay wax badana waan taray, ma doonayo in Guddi aan loo dhamayn oo khilaaf ka dhex abuurta Saxaafadda la igu darsado" ayuu ydhi

Garyaqaan Aadan X Cali isagoo sii wata jawaabta uu ka bixiyay Guddidaas lagu darsaday yidhi " Lix qof iyo cid kale oo dusha Saxaafadda wax kaga keeni kartaa ma jirto, waxaan ku talin lahaa in wax loo dhan yahay marka hore la soo sameeyo oo Suxufiyiinta lagu soo wada qanciyo, laakiin Guddi anigu aan ku jiraa haba yaraatee ma jirto" ayuu raaciyay.

Aadan X Cali waxa kale oo uu intaa ku daray " waad ogtahayoo dhawaan waxaan ka tanaasulay xilkii SONSAF aan ka hayay, waxa igu kalifayay waxa ay ahayd wakhti aan u waayay markaa imikana Guddidaas wakhti uma hayo umana arko in qaabkaas loo sameeyo wax. Waxa la samaynayaa waa inay ahaadaan wax Bisil oo la isku qanciyay, ma soconayso wax la isku yeedhiyaa" ayuu yidhi

Short URL: http://waaheen.com/?p=63885

No comments: