07 March, 2013

Xukuumadda oo Doonaysa inay shirkad Ganacsi ku Wareejiso Samaynta E.passbort iyo Wasiir Samaale oo cadeeyay

Xukuumadda oo Doonaysa inay shirkad Ganacsi ku Wareejiso Samaynta E.passbort iyo Wasiir Samaale oo cadeeyay

samaleHargeysa(Waaheen)-Wasiirka wasaarada maaliyada Md. C/casiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in qandaraaska baasaborka cusub Somaliland (E.passbort), aanay jirin shirkad qadandaraas lagu siiyay, balse ay qorshaynayaan inay qandaraaskaas baahiyaan oo u gudbiyaan hay'ada qandaraasyada qaranka.

Wasiir Samaale oo shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sidoo kale ka waramay halkay u marayso hawsha dakhli uruurinta ee wasaaradiisa, gaar ahaana Cashuurtu, waxaanu sheegay inay rajo-wanaagsan ka qabaan in Cashuurta sanadku sidii hore si ka fiican u soo xaroon doonto.

waxaanu yidhi"waxaan ku talo jirnaa Baasaboorka cusub Somaliland,(E.passbort), inaan baahino qandaraaskiisa oo cida danaynaysa si toosa ula xidhiidhaan hayada qandaraasyada qaranka, waxaanan halkan ka cadaynayaa in cid lasiiyay ama shirkad lasiiyay qanradaaska baasaborka cusub Somaliland aanay jirin, cidii danaynaysa qanadaarkaasna ay la xidhiidhaan hayada qandaaryada qaranka".

Wasiir Samaale, waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay howlaha canshuur ururinta wasaarada maaliyada si habsamaana u socdaan, waxaanu yidhi "guud ahaan wasaarada maaliyada howlihii sanadkan ururinta canshuuraha si wanaagsan ayay ku bilaabantay oo ay ku socotaa, sidaad la socotaan miisaaniyada sanadkan waa lacag ka badan labaatan milyan oo dolar ($20,000,000), waxaanu ragaynaynaa in Alle nagu guuleeyo soo xaraynteeda sidii tii kahoraysay oo kale".

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61001

No comments: